8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Madaxweynaha Uganda oo rajo ka muujiyay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 21, 2007(HOL):  Madaxweynaha Uganda Mr. Yoweri Moseveni ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan ka furmay Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay madaxweynaha Uganda in ay shirkaasi ka soo bixi doonaan wax xal u noqda mushkiladda mudada dheer ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Uganda oo Jimcihii wariyayaal kula hadlayay Magaalada Kampala ayaa sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ay khilaafyada u dhaxeeya wada hadal ku dhameyn karaan, wada hadalladaas oo uu sheegay in ay xal u keeni karaan mushkiladda heysata dadka Soomaaliyeed.

 

“habka kaliya ee horay loogu sii dhaqaaqi karo waa iyadoo wada hadallada sii socdaan, ugu dambeyntiina xal waa ay gaari doonaan dhinacyada isku haya Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo intaas ku sii daray in xaaladda dalka Soomaaliya ay haatan ka soo reyneyso sidii hore  marka laga reebo qas ka jira Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Wuxuu ka hadlay Madaxweynaha Uganda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya iyo sida uu u arko baaqyada ka imaanaya dadka ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

 

 “Ciidamada Itoobiya waa in ay ka baxaan Soomaaliya maxaa yeelay qaar ka mid ah Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay u arkaan cadaw soo jireen ah, hayeershee  dhibataada meesha taala waxay tahay in aaney Dalalka Afrika Ciidamadooda u soo dirin Soomaaliya, Ciidamada Uganda-na aysan kaligood sii joogi karin Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyanah Uganda Mr. Yoweri Museveni.

 

Madaxweynaha Uganda waxaa uu sheegay in Ciidamadiisa ku sugan magaalada Muqdisho ay howl wanaagsan qabtaan, isla markaana ay ilaalo ka hayaan xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Dekedda iyo Garoonka Muqdisho iyo meelo kale oo loo xil-saaray.

 

Midowga Afrika ayaa wuxuu horay u ballanqaaday in  Ciidamo gaaraya 8,000 oo Askari uu u diro Soomaaliya, waxaana kadib la helay 4,000 oo Askari oo kuwaasi oo haatan ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamo 1,500 oo askari ah oo ka socda Dowladda Uganda, waxaana ilaa iyo haatan la sugayaa in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya dalalka Nigeria, Ghana, Malawi iyo Burundi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).