Khamiis, July 19, 2007HOL): Afhayeenka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa sheegay in ay wada hadallo u socdaan Madaxda Maxkamadihii Islaamka ee haatan dalka dibadda uga maqan, isla makraana ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Shifti wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto wada hadallada ay la leeyihiin madaxda Maxkamadihii Islaamka, inkastoo uu carrabka ku dhuftay in uusan dooneyn in uu ku sii fogaado ka hadalka wada hadallada u socda.
Afhayeenka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti waxaa uu sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo dooneysa in ay talo ku yeelato xal u helidda mushkiladda Soomaaliya oo sii daba-dheeraaneysa.
C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in ay Siyaasadda tahay wax cajiib ah, isla markaana ay dhici karto in uu yimaado is-bedel aaney dadka Soomaaliyeed maleysan karin, kaasi oo ah sida uu yiiri in dhinacyada isku haya Soomaaliya ay isaga soo dhawaadaan meesha haatan kala joogaan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu sheego in uu xiriir la sameeyay Madaxda Maxkamadihii Islaamka, dhawaan ayayna ahayd markii Cali Mahdi Maxamed oo guddigaas madax ka ah uu sheegay in uu la xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadihii Islaamka Prof.Ibraahim Xasan Caddow, kaasi oo ay isku soo qaadeen arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo sidii ay madaxda sare ee Maxkamadihii Islaamka uga soo qeybgeli lahaayeen.
Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo wax laga weydiiyay waxa ka jira xiriirka uu la sameeyay Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in uu xiriirkaas ka shaqeeyay Xafiiska UN-ka u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS), isagoo carrabka ku dhuftay in Cali Mahdi markii ay wada hadleen uu u sheegay in haddii uu doonayo in uu la hadlo Maxkamadihii Islaamka uu Asmara ugu tago Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo madax u ah Maxkamadihii Islaamka iyo sidoo kale Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna madax u ah Xubanha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya.
Ugu Dambeyntiina, Hadalka C/raxmaan Shifti ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay maanta Xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ku shirsan yihiin Ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo sii amba qaadaya shir Axaddii dhaweyd halkaas uga furmay, kaasi oo la sheegay in ay Beelaha Soomaaliyeed uga heshiinayaan Colaad horay u dhexmartay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






