10 C
London
Monday, November 10, 2025

Midowga Yurub oo taageeray Shirka Dib u hesiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 19, 2007HOL): Ururka Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in uu si buuxda u taageersan yahay Shirka Beelaha Soomaaliyeed loogu qabanayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 Madaxweynaha xiligan ee Midowga Yurub oo ka soo jeeda dalka Portugal oo hadal saxaafadeed soo saaray ayaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ku tilmaamay mid bilow u ah Dib u heshiisiin Qaran oo ay dadka Soomaaliyeed gaaraan kadib colaado u dhaxeeyay muddo toban sano ka badan.

 

 “Midowga Yurub wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada uu u hayo Shirweynaha Dib u heshiisiinta Qaranka ee Axaddii dhaweyd Muqdisho ka bilowday, sidoo kalena wuxuu taageerayaa dadaal kasta oo lagu soo celinayo nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha xiligan ee Midowga Yurub.

 

Sidoo kalena Midowga Yurub wuxuu ugu baaqay qeybaha Soomaalida in ay ka tanaasulaan qaska iyo fowdada, isla markaana ay si wax dhisid ah uga qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ururka Midowga Yurub wuxuu sheegay in uu si xooggan u cambaareynayo tallaabo kasta oo lagu wiiqayo dib u heshiisiinta iyo ammaanka goobta lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo cambaareyntan Midowga Yurub ay ku soo beegmeyso xili Axaddii dhaweyd Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weeraray meel aan u dheereyn halkii uu ka furmayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Hadalkan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta dib loo sii amba qaadayo Shirka Dib u heshiisiinta ah ee loo qabtay Beelaha Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qeybgelayaan ergooyin tiradoodu gaareyso 1325 ergay, kuwaasi oo sida la sheegay ay soo xusheen Beelaha Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntiina, Soomaaliya wax dowlad ah kama jirin tan iyo markii la riday Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre, xiligaas oo ku beegneyd sanadkii 1991-kii, inkastoo haatan ay Dalka Soomaaliya ka jirto Dowlad Federaal ah oo dadaal ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd Sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya ka jiri jiray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).