10 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamada Uganda oo muddo lix bilood ah loogu kordhiyay joogitaankooda Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 19, 2007HOL):  Kulan ay wakiillo ka socday UN-ka iyo AU  ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay gunaanadkii kulankooda ka soo saareen war murtiyeed ay ku sheegayaan in joogitaanka Ciidamada Uganda ee Soomaaliya lagu kordhiyay muddo 6 bilood ah, kadib markii waqtigii hore ee loogu talagalay in ay Soomaaliya joogaan uu xalay ku ekaa.

 

Afhayeen u hadlay Midowga Afrika oo lagu magacaabo Assane Ba, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay oo la filayay in ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya aysan haatan diyaarin ciidamadii howsha nabad ilaalinta kala wareegi lahaa Ciidamda AMISOM, “ilaa iyo hadda UN-ka diyaar ma ahan, sidaas darteed waa in aan go’aaminnaa ina y Ciidamada AMISOM sii joogaan Soomaaliya”ayuu yiri Assane Ba.

 

Afhayeenka u hadlay Midowga Afrika waxaa uu sheegay in ay jiraan Dalal dhowr ah oo doonaya in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, kuwaasi oo u xayiran dhaqaalihii ay ciidamadooda ku geyn lahaayeen Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Beesha Caalamka ka codsadeen in ay dhaqaale ku bixiyaan Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya la geynayo.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo magaalada Accra ee Dalka Ghana uga qeybgalay shir ay halkaas ku lahaayeen madax ka socotay Dalalka Afrika ayaa wuxuu sheegay in dib u dhaca ku yimid Ciidamadii ay Dalalka Afrika geyn lahaayeen Soomaaliya ay la xiriirto Beesha Caalamka oo aan bixin dhaqaalihii ay ku ballanqaaday in ay uga qeybqaadaneyso Ciidamada Afrika ee Soomaaliya la geynayo.

 

Ilaa iyo hadda 1,500 Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa magaca Midowga Afrika waxay uga howlgelayaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ilaalo ka haya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho iyo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

 

Ciidamada Uganda oo bishii Janaayo ee sanadkan ay uga bilaabaneysay muddo lix bilood ah oo ay Soomaaliya ka howlgelayaan ayaa waxay Muqdisho yimaadeen bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay, iyadoo intii ay Muqdisho ku sugnaayeen-na laga dilay Afar Askari, kadib markii Miino loogu aasay wadada dhinaceeda.

 

Ugu dambeyntiina, Dalalka Midowga Afrika ayaa la filayay in ay Ciidamo gaaraya 8,000 oo askari ay u diraan Soomaaliya, hayeeshee waxaad mooddaa in ay ballanqaadkaas ka jawaabtay Dowladda Uganda oo kaliya, halka Dowladaha, Nigeria, Ghana, Malawi, Burundi iyo Benin ay sheegaan in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).