Arbaco, July 18, 2007(HOL): Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Seddexdan mas’uul ee ugu sareeya Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shirkooda uu ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa waxay ilo ku dhow-dhow kulankaas waxay sheegeen in ay mas’uuliyiinta Dowladda ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Ammaanka Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana kan Magaalada Muqdisho, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo aan in muddo ah helin wax gunnooyin ah.
Kulanka ay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaaalka ku yeesheen Xarunta Villa Somalia ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid aan 100% hagaagsaneyn, sidoo kalena Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ay muddo 14 maalmood ah ka dhacayaan iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca weerarro loo geysto fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo ay xusid mudan tahay in kadib dagaalkii Muqdisho ka dhacay ee ay ku adkaatay madaafiic lagu weeraray Xarunta Villa Somalia ee fariisinka u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halka mar sii horeysayna Qarax aad u weyn lala beegsaday Guriga oo Muqdisho ka degan yahay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, wuxuu ahaa kulankii labaad oo ay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta Villa Somalia, tan iyo markii ay Muqdisho u soo guureen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






