
Talaado, July 17, 2007(HOL): Xus si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska loogu sameeyay U ololeeyihii Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Marxuum C/qaadir Yaxye Cali, kaasi oo 11-kii July 2005 ay kooxo hubeysan ku dileen gurigiisa oo Muqdisho ku yaala.
Xafladda lagu xusayay marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay dad aad u faro badan, iyadoo ay halkaas ka hadleen dad yaqaanay marxuumka oo saaxibo la ahaa, waxaana dadkii ka hadlay munaasabadda xuska ka mid ahaa Nuur Xuseen Cabdi Nuur (Jeenyo), Inj. Yariisow, Axmed Nuur (Seyga Ruushka), Mr. Awliyo, Maxmed Af-weyne, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo xubno kale, kuwaasi oo ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii marxuumka.
Xuska lagu qabtay magaalada
Koobka loo dhigay labadan Kooxood ee ka dhisan Magaalada London ayaa waxaa dhigay Naadiga Kubadda Cagta Elman oo uu marxuumka ka tirsanaa guddigiisa sare ka tirsanaa, iyadoo koobkii tartankaasna ay kooxda Wembley wada guddoonsiiyeen Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo) iyo Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.
Magaalooyinka Muqdisho, London, Melbourne iyo Ottawa ee dalalka Somalia, Britain, Australia iyo Canada ayaa laga dhigay xus loo sameeyay marxuum C/qaadir Yaxye Cali oo ahaa Shakhsi si weyn ugu ololeyn jiray sidii ay dadka Soomaaliyeed nabad ku heli lahaayeen, isla markaana ay uga samata bixi lahaayeen dhibaatada ay ku jiraan.
Marxuum C/qaadir Yaxye Cali oo ahaa Agaasimihii Hay’adda CRD ayaa intii uu noolaa waxaa lagu xusuustaa hadallo uu jeediyay oo qaarkood uu uga hadlayay dhibaatada dalka Soomaaliya ka taagan, haddii ay ahaan lahaayeen dhibaatooyin ay dadka Soomaaliyeed iyaga isu keeneen iyo kuwo dibadda uga yimid, iyadoo hadalladiisaasna ay ahaayeen kuwo uusan la baqi jirin oo uu si cad u sheegi jiray.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






