
Talaado,
Deeqdan Lacageed oo dhameyd 6,250 US $ ayaa waxaa loogu iibiyay Bukaanada ku jira isbitaalka Xaawo Cabdi Dawooyin isugu jiray Anti biotics, Faleebooyinka Shubanka lagula tacaalo, labo qaboojiye oo dawada lagu keydin doono, Qalab Sheybaarka loo isticmaali iyo dawooyin kale.
Guddoomiye ku xigeenka Ururka Samafalka Bani’aadam Inj. C/Casiis Mayow Maxamed ayaa sheegay in ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ay soo gaarsiiyeen lacag dhan 6,250 US $ (Lix Kun iyo Labo Boqol iyo Konton Doollar), taasi oo ay ku iibiyeen dawo ay ugu deeqeen Isbitaalka Xaawo Cabdi oo ah Isbitaal ay ku jiraan Bukaano isugu jira kuwo qaba dhaawacyo ka soo gaaray Dagaalladii Muqdisho ka dhacay iyo kuwo bukaan socod ah oo xanuuno kale la il-daran.
“Deeqdaan waxaa iska soo qaaraamay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada
Deegaanka uu ku yaalo Isbitaalka Xaawo Cabdi waaa ku dhaqan Qoysas tiradoodu gaareyso 3,470 Qoys, kuwaasi oo u badan dadkii ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanayay Ciidamada Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeday. Isbitaalka ayaa wuxuu leeyahay qeyb si gaar ah oo lacag la’aan ah loogu daweeyo dadka dhibaateysan.
Drs. Xaawo Cabdi oo agaasime ka ah Isbitaalkaas ayaa si weyn uga mahadcelisay deeqda Lacageed ee ay soo dhiibtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ee dalka Canada, taasi oo dawo loogu iibiyay Bukaano ku jira Isbitaalkeeda, iyadoo sheegtay in dawada la soo gaarsiiyay ay tahay mid loo keenay xili ay Isbitaalka ka jirtay baahi dhinaca dawada ah. Sidoo kalena waxay u mahadcelisay Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam, kaasi oo sida ay tiri si gaar ah ula socda dhibaatada ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan.
850 Qoys oo ku nool Kuliyaddii Beeraha Afgooye ayaa dhawaan waxaa loo qeybiyay Raashin noocyo kala duwan leh, kaasi oo lacagta lagu iibiyay ay soo dhiibtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ee dalka Canada, “Lacagtaas oo dhameyd 25,000$ (Shan iyo Labaatan Kun oo Doollar) waxaan 18,750$ (Sideed iyo Toban Kun Todobo Boqol iyo Konton Doollar) oo ka mid ah aan ku iibinay raashin gaaraya 340 Kiish oo Bur ah, 426 Kiish Digir ah iyo 142 Kartoon oo Saliid ah, waxaana Qoys kasta gaarsiinay 20 Kiilo oo Bur ah, 30 Kiilo oo Digir ah iyo 3 Kiilo oo Saliid ah”ayuu yiri Inj. C/casiis Mayow oo isagu horkacayay Mas’uuliyiintii Ururka Bani’aadam ee deeqdaas gaarsiisay Qaxootiga ku nool Kuliyaddii Beeraha Afgooye.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Deeq Lacageed oo ka timid Dalka Canada la soo gaarsiiyo Dadku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana horay deeqo Lacageed u soo gaarsiiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee isla Dalka Canada, taasi oo lacagihii ay soo dhiibtay dawooyin loogu iibiyay Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan Dad qaba dhaawacyo kala duwan oo ay xitaa ku jiraan kuwo ka dhashay Dagaalladii lagu hoobtay ee bilihii Maarso iyo April ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo ay isna ku jiraan Hooyooyin iyo Caruur xanuuno kala duwan la il-daran, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in Deeqdaas ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan raashin loogu iibiyay Dad ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo ku nool Tuulooyin hoos-taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






