
Talaado,
Deganaanta Suuqa Bakaaraha ayaa waxay timid kadib markii shalay lagu sii daayay Suuqaas Ciidamo tiro badan oo Mileteri ah, kuwaasi oo gacan siinaya Ciidamada Booliska oo u caal waayay kooxo qaraxyo ka sameeya gudaha Suuqa.
Taliyaha Ciidamada ka howlgala Suuqa Bakaaraha Col. Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in ay howlgallada sii wadi doonaan tan iyo inta laga uruurinayo hub lagu qariyay gudaha Suuqa Bakaaraha, isagoo dhinaca kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay Suuqa Bakaaraha ka jiraan dhibaatooyin ganacsatada Suuqa u saamixi waayay in ay sii wataan howlahooda ganacsiga.
Suuqa Bakaaraha oo maalintii 13aad aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ayaa wuxuu yahay mid cidlo ah oo ay dadkii ganacsatada ahaa joojiyeen in ay u shaqo tagaan, waxayna taasi timid kadib markii shalay rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku dhinteen 5 ruux oo rayid ah.
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa mas’uuliyadda dhibaatada soo gaareysa dadka rayida ah waxaa uu wax ka saaray Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay dadka hubkoodii la dhexgaleen, taasina ay keentay in ay kooxaha weerara ku bartilmaameedsadaan dadka dhexdiisa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Cali Dheee in ay wax ka qabato dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha, isagoo caddeeyay in ay u hoggaansami doonaan ammarrada ay Dowladda ku soo rogto, “muddo 12 maalmood ah wax ganacsi ah kama jiro Suuqa Bakaaraha, wuxuuna qarka u saaaran yahay in ay ganacsatada ka baro-kacaan”ayuu yiri Cali Dheere.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya ayay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya galeen kadib markii ay madaxda maamulka Gobolka Banaadir dhowr jeer sheegeen in qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhaca laga soo abaabulo Suuqaas, kaasi oo ay Ciidamada Dowladda la rafanayaan muddo 13 maalmood ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






