11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in uusan waxba kala socon Shirkado Chinese ah oo Shidaal ka baaraya Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 17, 2007(HOL): Dhawaan ayay Wakaaladaha Wararka Caalamka qoreen warbixinno sheegayay in labo shirkadood oo shidaalka baara oo laga leeyahay Dalka China fursad loo siiyay in ay Shidaal ka baaraan Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, iyadoo heshiiska shirkadahaas lala galayna uu u muuqdo mid aaney isla ogeyn madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Labadan Shirkadood oo lagu kala magacaabo CNOOC iyo CIOG ayaa waxay heshiis la saxiixdeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo madaxweyne C/llaahi ka helay awood ay heshiis kula saxiixan karaan labadaas Shirkadood, halka ay sidoo kale labadan shirkadood ay la kulmeen Wasiirka Tamarta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimaha shidaalka laga baarayo Soomaaliya, waa sida ay qortay Jariidada Financial Times.

 

Haddaba Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in uusan la soconin shirkado shidaal ka baaraya Soomaaliya oo Dowladda Federaalka ay heshiis la gashay.

 

Hadalka Cali Maxamed Geedi ayaa Financial Times waxay u turjuntay in uu caddeyn u yahay in uu halgan xagga awooda ah ka dhex jiro Dowladda Federalka Soomaaliya, iyadoo Jariidada ay taasi ku sababeyneyso in ay aragtay Dukumiinti uu ku saxiixan yahay madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo awood u siinaya laba mas’uul ee dowlada ka tirsan in ay heshiis lagu wadaagayo wax soo saarka Dalka la galaan Shirkado Saliida baara oo Dalka China laga leeyahay.

 

“Heshiis lala galo Shirkado Shidaal ka baaraya Soomaaliya ma ahan mid shaqeynaya tan iyo inta uu Baaramaanka KMG ah ee Soomaaliya uu ka ogolaanayo Sharciga Shidaalka”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo carrabka ku dhuftay in uu ka warqabay heshiis aan rasmi ahayn oo ay xubno ka tirsan Dowladdiisa la galeen Shirkado shidaalka baara.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu u sheegay Jariidada Financial Times in ay jiraan shirkado badan oo daneynaya in ay shidaal ka baaraan Soomaaliya hayeeshee aan la howlgelin karin xiligan, iyadoo sababtuna tahay in aan la sameynin shuruucdii iyo qaabkii ay ku shaqeyn lahaayeen.

 

Mar sii horeysay ayay ahayd markii ay isku dhaceen Maamul Goboleedka Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo is-qabadkoodana uu ka dhashay heshiis dhexmaray Maamulka Puntland iyo Shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay Dalka Australia, heshiiskaas oo uu Ra’iisal Wasaare Geedi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee Kheyraadka ku keydsan Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay u soo tartamayaan Shirkado ku shaqo leh soo saaristiisa, tiiyoo ay xusid mudan tahay in qaar ka mid ah Kheyraadka uu dalka Soomaaliya leeyahay si sharci ah la isaga gurto, iyadoo aysan jirin cid ka hortegeysa xitaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan talada heysa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).