Axad, July 15, 2007(HOL): Inkastoo 31 Xubnood oo isugu jira Odayaal dhaqameed iyo Aqoon-yahano laga soo kala xulay Beelaha Dega Gobalka Hiiraan Maalintii shalay u anba baxeen Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirka Dib u hishiisiinta, ayaa hadana dhanka waxaa ka baaqaday safarkaasi Duubabka Beelaha Gobalka Qaarkood oo la filayay in hogaamiyaan Ergada loogu tala galay in ay Gobalka Hiiraan ku Matalaan shirka dib u hishiisiinta.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Ugaas C/Xakiin Ugaas Maxaad oo horay u sii Sagootiyay Xubnaha ka tagay Gobalka Hiiraan si ay uga qeyb-galaan shirka ayaa mar ay HOL weydiisay Sababta ay uga baaqanayaan shirka, waxaa ay sheegeen in Duubabka dhaqanku intooda badan ku howlan yihiin soo afjarida khilaafyo ka taagan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan gaar ahaan Colaada ka taagan Deegaano ka tirsan Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhaxe iyo waliba sidii loo dhameyn lahaa waxa ka harsan khilaafkii sababay gacan ee Deegaanka Coomaad.
Waxaana ay intaa ku dareen Ugaasyadu hadii ay suurta gal tahay in ay tagi doonaan shirka marka ay soo dhameeyaan howlaha dib u hishiisiinta ee gudaha Gobalka, Lakiin marka dhan kale arimaha laga eego waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ugaasyadu u baaqdeen Arimo dhinaca Nabad-galyada ah Inkastoo hadana taa iyagu beeniyeen.
Shirka dib u hishiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa marka la eego Xubanaha ka qeyb-galaya Duubabka dhaqanku yihiin kuwa ugu horeeya ee looga baahan yahay in ay ku biiriyaan Figradahooda ku aadan arimaha dib u hishiisiinta, Walow marka Arimaha dhan laga eego jiraan Arimo la xiriira dhinaca Nabad-galyada taasoo keeni karta in badan oo ka mid ah hogaanka dhaqanku in dib isku dhigaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






