
MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: ““Waan ogahay dad ku fekeraya waqtiga ka dhameeya Dowladda Federaalka dabadeedna idinku wax qabsada, u suurtoobi meyso, weligeedna kala bixi meyno haddeysan hadda nabadda qaadan oo aysan dadkooda dhinac ka raacin”
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA: “Wixii aad halkan ka soo saartaan oo go’aanno ah waxaan idiin ballanqaadayaa in uu ansixin doono baarlamaanka Soomaaliya, waxaase la idinka rabaa in aad Soomaalinimo la timaadaan”
Axad,
Shirkan oo ay ka qeybgaleen ergooyin tiro badan oo metelayay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa wuxuu ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed oo in muddo ah uu dayactir ka socday, iyadoo sidoo kalena ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka socday Dalalka
Xubno kale oo laga sugayay wakiillada Beesha Caalamka ayaan iyagu shirka soo xaadirin sabab la xiriirta dhinaca amniga waa sida aanu ka helnay ilo diblumaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay.
Furitaanka shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa ka hadlay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan (Madoobe), Ku xigeenka Ra’iisala Wasaaraha Soomaaliya ahna Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Sidoo kalena waxaa ka hadlay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Tadhaka Alimu, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya, Danjire ka socday Dowladda Uganda, Safiirka Dowladda Yemen u qaabilsan Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar, Guddoomiyaha Shirkii Dib u heshiisiinta ee Mbagathi Bethuel Kiplagat, iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Cali Foam.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ugu horeeyay mas’uuliyiintii Dowladda Federaalka ee shirka ka hadashay waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay dowladdii hore kadib la soo derseen dhibaatooyin isugu jira caafimaad, waxbarasho iyo shaqo la’aan, isagoo carrabka ku dhuftay in maanta ya dadka Soomaaliyeed u muuqdaan kuwo doonaya in ay ka gudbaan dhibaatooyinkaas ay ku jiraan, gacmahana ay is-qabsadaan.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay ayaan-darro tahay in dadka Soomaaliyeed oo isku af, dhaqan iyo diin ah ay Duubabka Soomaaliyeed xalin waayaan mushkiladda ka dhex taagan, isla markaana in ka badan 14 shir oo Soomaaliya loo qabtay, kaasi oo ugu dambeeyay shirkii Mbagathi ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in ergooyinka shirka dib u heshiisiinta ka soo qeybgalay ay yihiin kuwo lagu soo xulay qaab beeleed, hayeeshee la doonayo in ay u shaqeeyaan qaab Soomaalinimo, isla markaana marka ay shirka dhameeyaan ay deegaanadoodii u laabtaan iyagoo Soomaali ah.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Tadhaka Alimu ayaa isna ka hadlay furitaankii shirka wuxuuna sheegay in marka u soo gudbinayo uu Salaan uga sido Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Syoum Mosfen, kadibna waxaa uu intaas ku daray in Itoobiya ahaan ay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed u arkayaan mid yididiilo leh, “shirkani waa guuleysan doonaa, guushiinana waa guusheena “ayuuna yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Wasiiru-Dowlaha oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray ay Dadka Soomaaliyeed ka suurtowdo in ay meel dhexe isugu yimaadaan, isla markaana ay iska iloobaan wax kasta oo dhibaato ah oo kala gaaray, “Si kasta oo ay u qaraar tahay arrintaas hadana ugu dambeynta dadka Soomaaliyeed wey iska iloobaan wixii dhibaato ah ee kala gaara, taasi waa dhaqan ay leeyihiin”ayuuna mar kale yiri wasiiru- Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Tadhaka Alimu.
“Itoobiya Dal Qani ah ma ahan, inkastoo ay leedahay wixii ay Qani ku noqon lahayd, waana wax aad u xadidan waxa ay Soomaaliya u heyso hayeeshee waxaan qani ka nahay niyad sami aan Soomaaliya u heyno”ayuu yiri Tadhaka Alimu.
“annagu Itoobiya haddii aan nahay ma ahan Soomaaliya dariiqa aan u mareyno waxa aan rabno, waxa kaliya oo aan dooneynana waa labada dal oo Saaxibtinimo, Nabad iyo Xasilooni ku wada noolaada, sidaas darteed rajada ay Itoobiya ka leedahay shirkan waa in ay dadka Soomaaliyeed ka gudbaan colaaddii u dhaxeysay muddo toban sano ka badan”ayuu mar kale yiri Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo shirka oo socda ku soo biiray isagoo ka soo laabtay safar uu ku tegay qaar ka mid ah gobollada Dalka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna ballanqaaday in wixii ay gaaraan Ergooyinka Soomaaliyeed uu ansixin doono Baarlamaanka Soomaaliyeed.
“Wixii aad halkan ka soo saartaan oo go’aanno ah waxaan idiin ballanqaadayaa in uu ansixin doono baarlamaanka Soomaaliya, waxaase la idinka rabaa in aad Soomaalinimo la timaadaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).
Balse waxaa uu sheegay Shiikh Aadan Madoobe in loo baahan yahay in ay ergooyinka la yimaadaan Soomaalinimo, isla markaana ay iska iloobaan wixii horay u dhexmaray, ayna u guntadaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadeynta Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta taagan tahay xiligii ay halganka ku jireen Ururradii Gobonimo-doonka ee SNL iyo SYL, taasi oo uu sheegay in ay tahay tan keentay in shirweyne dib u heshiisiineed la isugu yeero Ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed, si aayo-ka-talinta dalka looga talo-geliyo.
Wxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay isku furan tahay, in ammaanka dalka uu soo fiicnaanayo, dagaalladii beelaha iyo kuwii xaafadahana waa soo af-jarmayaan isagoo taasina ku macneeyay in ay ku timid dadka Soomaaliyeed oo nabad iyo wanaag doonaya.
Wuxuu intaas ku daray madaxweynaha in wixii shirweynahan ku qabsoomi waaya ay yihiin wax Soomaali ka maqan oo aan la aqoonin, wuxuuna ballanqaad ku bixiyay Madaxweyne in wixii ka soo baxa Shirka Ergooyinka Soomaaliyeed ay Dowladda Federaalka si buuxda u taageeri doonto, isagoo rajeeyay in ay go’aanadaas noqdaan kuwo dhaxal-gal ah oo dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka saara.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu maanta mar kale ku celiyay hadal uu dhawaan sheegay kaasi oo ahaa in ay jiraan dad doonaya in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waqtiga ka dhameeyaan kadibna ay iyagu wax sameystaan, “Waan ogahay dad ku fekeraya waqtiga ka dhameeya Dowladda Federaalka dabadeedna idinku wax qabsada, u suurtoobi meyso, weligeedna kala bixi meyno haddeysan hadda nabadda qaadan oo aysan dadkooda dhinac ka raacin”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in 38 sanadood oo halgan ah uu soo maray, kaasi oo aakhirkii ku soo gebageboobay in Soomaaliya Dowladnimadeedii la waayo, “Kuwa hadda dagaalka doonaya waxaan u sheegayaa in aysan jirin wax ay dagaal ka faa’iidayaan in uu aakhiro u diro mooyee”ayuuna hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba markii ay halkaas mareysay khudbaddii madaxweynaha ayaa waxaa dhowr madfac lagu garaacay meel aan u dheereyn halka uu shirka ka socday, kuwaasi oo aan arkayay mid ka mid ah meeshii uu dhacay oo qiiq uu ka baxayay. Ergooyinkii shirka ka qeybgelayay ayaa markii ay dhawaqa madaafiicda maqleen waxay ku sigteen in ay goobtii ka cararaan, ilaa uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf xusuusiyo in qof kasta uu dhimanayo waqtiga loogu talagalay.









Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






