11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta kormeeray halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 14, 2007HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi la socday oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa maanta kormeeray halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska.

 

Madaxweynaha ayaa indha-indheeyay Hoolka ay ku shirayaan Ergooyinka iyo weliba dhismayaal kale oo gudaha Xarunta laga sameeyay sida Masjid weyn oo ay Ergooyinka ku tukanayaan, wuxuuna kadib kulan kula qaatay gudaha Xarunta Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed iyo xubno ka tirsan Guddigiisa.

 

Ammaanka madaxweynaha ayaa waxaa si weyn u adkeynayay Ciidamo Soomaaliya, Itoobiyaan iyo AMISOM isugu jiray, kuwaasi  xiray waddooyinka gala Xarunta Gaadiidka Booliska.

 

Sugidda Ammaanka halka shirka lagu qabanayo ayaa waxaa loo diyaariyay Ciidamo tiro badan oo Soomaali, Amisom iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo saakay lagu arkayay nawaaxiga halka shirka lagu qabanayo.

 

Dhanka kalena, Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa saakay lagu soo daadiyay Waddooyinka 30-ka Wadnaha iyo Warshadaha, kuwaasi oo weliba aanan ahayn Ciidamadii horay u joogi jiray Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka howlgeli doonaan 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana ay si weyn u adkeyn doonaa Ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu sheegay in uu berri ka furmi doono Shirweyne Dib u heshiisiin Soomaaliyeed.

 

Todobaadkii hore ayay ahayd markii  magaalada Muqdisho ay  ka dhaceen weerarro madaafiic loo adeegsaday, kuwaasi oo lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo xaafad u dhow Xarunta Gaadiidka Booliska oo ah halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntiina, Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa laga yaabaa in ay si weyn u baqaan in ay tagaan halka uu ka furmayo Shirkaas, bacdamaa ciddii ka qeybgasha Shirka dib u heshiisiinta ay kooxo warqado daadiyay ugu hanjabeen in ay dili doonaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).