11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo la dhigay Waddooyinka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 14, 2007HOL): Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa lagu soo daadiyay Waddooyinka Magaalada Muqdihso, kuwaasi oo laga keenay Xerooyin Magaalada Muqdisho banaankeeda ah.

 

Saakay ayaa Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha waxaa lagu arkayay Ciidamo ka tirsan Mileteriga Soomaaliya, kuwaasi oo socod ku marayay hareeraha Waddooyinkaas, iyagoo gaadiidka iyo dadkana ku amrayay in aysan istaagin oo ay socdaan.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho loo keenay sidii ay u sugi lahaayeen Ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalmahan faraha ka sii baxayay, isla markaana ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka awood u yeesheen in ay dib u bilaabaan madaafiicdii Hoobiyayaal ah oo ay ku weerari jireen Xarumaha Dowladda sida Xarunta Villa Somalia oo kale.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamada Mileteriga  horay uga saartay Magaalada Muqdisho kadib markii ay kooxo hubeysan oo geysta falal dil iyo dhac ah ay soo labisteen dharka Ciidamadaas, isla markaana la kala aqoonsan waayay Ciidamada saxda ah ee Dowladda iyo kooxaha Burcaddaah.

 

Hayeeshee markii Ciidamadaas la saaray kadib ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku sii laba lixaadsaday Falalkii Amni darrada ahaa, iyadoo ay dhaceen dilal loo geystay Askar ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, sidoo kalena waxaa qaraxyo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamadan tirada badan ee Magaalada Muqdisho lagu soo daadiyay ayaa waxaa loo maleynayaa in la doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo kooxo ka soo horjeeda qabashadiisa ay sheegeen in ay weerari doonaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).