11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Ban Ki-Moon oo baaq u jeediyay Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 14, 2007HOL): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa shaaca ka qaaday in uu ku faraxsan yahay Shirka Dib u heshiisiinta ah ee ay Dadka Soomaaliyeed isugu imaanayaan.

 

Mr. Ban Ki-moon waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo inuu guuleysanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo farta ku fiiqay in uu shirkan bilow u yahay heshiis ay gaaraan Dadka Soomaaliyeed.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu cambaareeyay weerarrada iyo Qaraxyada Muqdisho ka dhacaya, kuwaasi oo sida uu yiri la doonayo in lagu carqaladeeyo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ku sugan in ay iska daayaan Fowdada ay abuurayaan, isla markaana ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ban Ki-Moon waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageereyso dadaallada loo dhan yahay ee Dib u heshiisiinta Qaran iyo guud ahaan dadaalka ay Beesha Caalamka ugu jirto in la soo celiyo Nabaddii iyo Xasiloonidii Soomaaliya.

 

Hadalka Xoghyaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalinta berri ah uu magaalada Muqdisho ka furmayo shir dib u heshiisiin ah oo ay isugu imaanayaan ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kalena ay qabashada shirka ku soo beegmeyso xili Magaaalda Muqdisho

 

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu wado in uu maalinta berri ah ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa labo jeer oo hore dib loo dhigay sababo la xiriiray dhaqaalihii shirkaas lagu qaban lahaa oo aan la helin iyo in uusan hagaagsaneyn ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu wado in uu magaalada Muqdisho ka furmo maalinta berri ah ayaa waxaa ka qeybgelaya Ergooyin tiradooda kor u dhaafeyso 1,000 Qofood, kuwaasi oo isugu jira Oday Dhaqameedyo, Hoggaamiye Kooxeedyo hore iyo Siyaasiyiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in labo jeer oo hore shirka dib loogu dhigay sababo dhinaca Amniga ah iyo meeshii shirka lagu qaban lahaa oo aan diyaar ahayn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).