11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Maxkamadihii Islaamka oo wacad ku maray in ay weerari doonaan Shirka Dibu heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, July 13, 2007HOL): iyadoo ay Ergooyin ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ku soo qulqulayaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, si ay uga qeybgalaan Shirkaas ayaa hadana waxaa soo baxaya hanjabaado ka imaanaya Maxkamadihii Islaamka oo sheegaya in ay shirkaas weerari doonaan.

 

Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo ah ka mid ahaa Maamulka Maxkamadihii Islaamka ayaa Taleefoonka Sattelite-ka ugu sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in ay weerari doonaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo ergooyinka ka qeybgelayana ugu baaqay in aysan isku tegin halka shirkaas lagu qabanayo.

 

“Waxaan u weerari doonnaa Dowladda si ka daran sidii aan u weerarnay Arbacadii, maxaa yeelay waa dembilayaal wadankeena ka iibiyay Itoobiya, mar ay ahaatana waan xoreyn doonnaa Wadankeena”ayuu yiri Macallin Xaashi oo ka qeybgalayaasha shirka dib u heshiisiinta u digay.

 

“Waxaan uga digeynaa Dadka in ay ka qeybgalaan Wada Hadallada sababtoo ah waa Mashruuc ay wadato  Dowladda Federaalka oo ay dooneyso in ay Deeqbixiyayaasha dhaqaale uga hesho”ayuu mar kale yiri Macallin Xaashi Maxamed.

 

Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu wado in uu magaalada Muqdisho ka furmo maalinta Axadda ah ee soo socota ayay ka qeybgelayaan Ergooyin tiradooda kor u dhaafeyso 1,000 Qofood, kuwaasi oo isugu jira Oday Dhaqameedyo, Hoggaamiye Kooxeedyo hore iyo Siyaasiyiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in labo jeer oo hore shirka dib loogu dhigay sababo dhinaca Amniga ah iyo meeshii shirka lagu qaban lahaa oo aan diyaar ahayn.

 

Xoogag taabacsan Maxkamadihii Islaamka ayaa waxay weerarro ku qaadaaan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan, iyagoo  ujeedkoodu yahay in ay soo celiyaan Xukunka Maxkamadihii Islaamka.

 

Habeenkii Arbacada ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerarro madaafiic loo adeegsaday, kuwaasi oo lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo xaafad u dhow Xarunta Gaadiidka Booliska oo ah halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa laga yaabaa in ay si weyn u baqaan marka uu gaaro warkan hanjabaadda ah ee ka soo yeeray Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartmaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).