11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Gobolka oo ka hadlay sharci ay Ciidamada Itoobiya ku soo rogeen Gaadiidka ka howlgala Gobolka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, July 13, 2007HOL): Maamulka Gobalka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Gobalka Hiiraan ayaa siyaabo kala duwan u arka sharci Ciidamada Itoobiyaanku ku soo rogeen Gadiidka ka howl-gala qeybaha Gobalku ka kooban yahay kaasoo dhigaya in Ciidamadu u arki doonaan Gadiid-layda aan soo marin barta koontarool ee Ciidamada Itoobiyaaku ku leeyihiin Deegaanka Jante-guudisho kuwo arga-gixiso sidaa daraadeed laga qaadayo lacago ganaax ah iyo waliba xarig uu muteysanayo  Derawalka gaariga.

 

Shircigan oo ah mid ay siweyn uga godoodsan yihiin Gadiid-layeda ka dhax-shaqeysa gudaha Gobalka ayaa u muuqda mid muran adag ka sii dhax dhalinaya qeybaha Maamulka iyo waliba Odayaasha dhaqanka, kadib markii hadal uu jeediyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Eng. Xuseen Mux’ed Maalin uu ku sheegay in Amarkaasi yahay mid maamulkiisu ka warqabo cidii u hogaansimi weydana laga qaadayo talaabo adag.

 

Laakiin dhinaca Odayaasha dhaqanka ayaa iyagu qaba in aysan muhiim aheyn Gadiidka oo idil in ay maraan Barta Koontarool ee taala Jante-guundisho oo hadii la sugayo Nabad-galyada muhiimadu tahay oo kaliya in lala socdo dhaq-dhaqaaqa gadiidka ka soo gala goobaha ka baxsan Gobalka, dhinaca kale waxaa ay odayaashu siweyn gashaanka ugu dhufteen in ganaax lacageed layska saaro Gadiidka iyada oo aan wax danbi ah lagu heyn.

 

Wararka is khilaafsan ee ka soo baxaya dhinaca Maamulka iyo waliba Odayaasha dhaqanka ee ku aadan talaabada Itoobiyaanku sheegeen in ay ka qaadayaan Gadiid-layada gobalka ayaa sidoo kale waxaa ka jawaabay  Mil kiilayaasha Gawaarida sharcigana qabanayo kuwaasoo ku tilmaamay in Amarka ka soo baxaya Ciidamada Itoobiya uu yahay mid dhinac marka laga eego wax u dhimaya howlahooda shaqo, waxaana ay intaa ku dareen in aysan suurta gal-aheyn Tusaale ahaan in Gaaari u socda deegaanka Far-libaax oo ka tirsan Gobalka hiiraan uu iska soo xaadiriyo Jante-guudisho dibna uu ugu laabto halkaa uu u socday.

 

Ilaa hada ma jiro wax wada hadal ah oo arintan ay ka yeesheen dhinacyada isaga oo horjeeda waana markii ugu horeysay oo arintani dhaliso muran dhinaca Sharciga ah, lakiin dad badan ayaa u arka arinta ku saabsan in la baaro gadiiidka oo idil mid wax weyn ka tari karta Nabad-galyada Guud.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).