12 C
London
Monday, November 10, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo Deegaan Cusub dejinaya Dadka degan Xaafadaha aan cabirneyn ee Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu deegaameynayo Dad laga rarayo Xaafado aan cabirneyn oo Muqdisho ku yaala.

 

Dadkani oo laga rarayo Xaafado Oobasiibo ah oo ku yaala Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayaa waxaa la dejinayaa guryo looga dhisayo Dhul weyn oo ku yaala Deegaanka Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

 

Dhismaha Guryaha loo diyaarinayo Dadkani ayaa waxaa gacan ka geysaneysa Shirkadda Xawaaladda Qaran Express, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo mahadcelin u jeediyay Mas’uul ka socday Shirkaddaas oo lagu magacaabo Xuseen Goley.

 

Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in Xaafadaha aan cabirneyn ee dadkani laga rarayo laga sameyn doono Waddooyin waa weyn oo ay isticmaali doonaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena uu maamulka sheegay in burburinta Xaafadahan Oobasiibooyinka ah ay wax weyn ka tari doonto sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho, bacdamaa ay yihiin meel aan gaadiid lagu geli karin, cid kastana ay ku dhuuman karto.

 

Laakin waxaa muran  ka taagan yahay dhulka dadkani guryaha looga dhisayo, kaasi oo dad sheeganaya  milkiyaddiisa ay maamulka Gobolka Banaadir ku eedeeyeen in uu doonayo in uu ka faro-maroojiyo Hanti ay si gaar ah u leeyihiin oo ay muddo dheer lahaayeen.

 

Xaaji C/llaahi Xuseen Macallin oo 73 sano jir ah, isla markaana ka mid ah Dadka sheeganaya in ay dhulkaasi leeyihiin ayaa shaaca ka qaaday in Dhulka la doonayo in la dejiyo dadka laga soo rarayo Xaafadaha aan cabirneyn uu yahay mid ay leeyihiin oo xitaa ay u heystaan Dukumiintiyo caddeynaya lahaanshahooda, kuwaasi oo ay xitaa wax ka ogeyd Dowladdii Mileteriga.

 

Xaaji C/llaahi waxaa uu sheegay in ay dhowr jeer isku dayeen in ay Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ay arrintaas kala hadlaan, hayeeshee sida uu yiri uu diiday in uu la kulmo, wuxuuna caddeeyay in haatan ay dhulkooda ku socoto howl geedaha looga jarayo, si guryo looga dhiso, sidoo kalena laga bilaabay Qodista Ceel ay biyo ka cabi doonaan Dadka halkaas la soo dejinayo.

 

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu eedeynayo in uu doonayo in uu Dad dejiyo Dhul ay Dad iska leeyihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).