12 C
London
Monday, November 10, 2025

Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay uga sii dareyso Qalalaasaha ka taagan Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 12, 2007(HOL):Iyadoo Axadda soo socota lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Dib u heshiisiin Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii la qabto shirkaas uu uga sii darayo Qalalaasaha ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Timothy Othieno oo ah Cilmi Baare Sare oo ka tirsan Machadka Wada-tashiga Caalamka oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA qeybteeda Afrika la hadasha  ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu yahay mid aan loo dhameyn, sidaas darteed ay qabashadiisa dhibaato keeneyso.

 

Wuxuu sheegay in labo sababood dartood uusan shirkan ku guuleysaneynin, sababta koowaad ayuuna ku sheegay in ay tahay in uu shirkani yahay mid aan loo dhameyn, halka sababta labaadna uu ku sheegay in  ay tahay iyadoo aysan Beelaha Hawiye oo ka taliya deegaanada shirka lagu qabanayo  iyo Maxkamadihii Islaamka aysan shirkan ka qeybgeleynin.

 

Timothy Othieno waxaa uu intaas ku daray in Qabaa’illada Hawiye ee diidan ka qeybgalka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo doonaya in ay ka taliyaan Deegaanada ay ku nool yihiin, iyadoo taasina ay dib ugu noqoneyso sharcinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dadaal ugu jirta in ay xukunkeeda ka soo muujiso Dalka Soomaaliya, isla markaana ay taageero ka hesho dadka ku nool.

 

Cilmi-Baarahan ka tirsan Machadka Wada-Tashiga Caalamka (Institute for Global Dialogue) Mr. Timothy Othieno ayaa intaas ku daray in Dowladda Fedeaalka Soomaaliya aysan ka wada talin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, “Dowladda Federaalka ma xukunto guud ahaan caasimadda Soomaaliya, xaqiiqdiina waxaan la soconay tiro weerarro ah oo loo geystay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo uu ku jiray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi”ayuu yiri Mr. Timothy Othieno

 

“Waxaan ka baqayaa in ay jiri doonaan qalalaase ku sii kordha Magaalada Muqdisho oo ah halka shirka dib u heshiisiinta ah lagu qaban doono”ayuuna Mr. Timothy Othieno hadalkiisa ku sii daray.

 

Mr. Timothy Othieno waxaa uu sheegay in Dadka ka soo horjeeda Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ay mucaaradnimadooda u isticmaali doonaan Qalalaase ay sameeyaan, si ay u  muujiyaan in aan la qaban karin shir dib u heshiisiineed oo aaney raali ka ahayn Qabaa’illada Hawiye iyo Maxkamadaha Islaamka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay wax ka yar seddex maalmood ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Madaafiic lagu riday Xarunta Villa Somalia iyo meel aan u dheereyn halka la doonayo in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed lagu qabto oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).