12 C
London
Monday, November 10, 2025

C/LLAAHI SHIIKH XASAN: “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xal ku imaan karaa in la wada hadlo”

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Beelaha Hawiye C/llaahi Shiikh Xasan oo ka hadlay sida xal loogu heli karo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aanu  xalka Soomaaliya ku imaaneyn xoog iyo awood la adeegsado, “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xalka ku imaan karaa in la wada hadlo” ayuu yri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in uu fikir ahaan qabo in haddii la wada hadlo oo waxa la isku hayo miiska la soo saaro in xal la gaari karo, isagoo farta ku fiiqay in uu rumeysan yahay in waxyaabaha la isku hayo ee Soomaaliya ay ka degi la’ dahay ay yihiin khilaafaadyo Siyaasad oo ka dhashay qeybsiga awoodda dalka.

 

Mar uu ka hadlayay khilaaf soo kala dhexgalay Odayaasha Beelaha Hawiye waxaa uu sheegay in la isku qabtay hala wada hadlo iyo yaan la wada hadline meel hala iska fadhiyo, “Isaga ayay jirtaa qofkii dhahaya aniga wada hadal ma doonayo meesheyda ayaana iska fadhinayaa, balse aniga iyo inta ila fikirka ah waxaan qabnaa in khilaafaadyada jira wada hadal lagu dhameeyo” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Sidoo kalena mar uu ka hadlayay waxa ka jira wararka sheegaya in shir ay Qaar ka mida Odayaasha Beelaha Hawiye Muqdisho ku yeesheen uu ahaa mid aan loo dhameyn wuxuu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid ay ka qeybgaleen inta badan Odayaasha Beelaha Hawiye, “Odayaashii Shirka loogu talagalay waxay ahaayeen 165 Oday, waxaana shirka tagtay 132 Oday, sidaas darteed waa caddahaya in shirkaas uu ku qabsoomay aqlabiyadda Beelaha Hawiye”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Wuxuu sheegay C/llaahi Shiikh Xasan in uu qabo in shirka laga soo qeybgeliyo Madaxda Maxkamadihii Islaamka, isla markaana lagala hadlo waxyaabaha ay tabanayaan, isagoo caddeeyay in uu aamisan yahay in aan la isku diidaneyn in la wada hadlo, hayeeshee waxyaabaha la isku mari la’ yahay ay yihiin qaabka wada hadalka.

 

Hadalka C/llaahi Shiikh Xasan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad uu ku eedeeyay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaahi Shiikh Xasan oo Golahaas ka tirsanaa in ay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana sida uu yiri ay mansabkoodii ku bedesheen jagooyin ay Dowladda ka heleen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxaa la dhisay wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, iyadoo ay Odayaashan la safnaayeen xoogaggii hubeysnaa ee dagaalka la galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).