Khamiis, July 12, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Dadka ku nool habeenkii xalay ahaa waxay u ahayd habeen cabsi leh, kadib markii ay maqleen madaaafiic, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhowr Madfac oo hoobiyayaal ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu tuuray Xarunta Villa Somalia, kuwaasi oo qaarkood ay ku dhaceen gudaha Xarunta, halka kuwo kale oo lala waayayna ay ku dhaceen Xaruntii Ex-Fiyoore, waxaana la xaqiijiyay in ay halkaas ku naf waayeen 2 ruux, halka ay 3 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaafiic kale oo Hoobiyayaal ah ayaa iyagana waxaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray Xaafado ka tirsan Degmada C/Casiis, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ay madaafiicdaas geysteen.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa iyaguna xalay lagu weeraray madaafiic, kuwaasi oo iyana ku jawaabay madaafiic waa weyn oo ay ku jireen kuwa Taangiyada laga rido.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo u waramayay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in 24 Hoobiye oo xalay lagu tuurayo meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho laga soo ganay Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay xusid mudan tahay in Suuqaas ay beryahaan ka howlgelayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intaas kadib iska hor-imaadyo hubeysan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa madaafiicdaas kadib waxaa ay ka dhaceen inta u dhaxeysa Isgoysyada Kaasabolbollaare iyo Bakaaraha, iyadoo halkaasina ay ku dagaalameen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Nawaaxiga Isgoyska Xararyaale ayaa sidoo kale xalay laga maqlay qaraxyo iyo rasaas daba socotay, kuwaasi oo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen, marka laga reebo in ay argagax geliyeen dadka ku nool agagaaraha halka ay qaraxyadaas ka dhaceen.
Dadka Muqdisho ayay maqalka madaafiicda ugu dambeysay xiligii ay socdeen dagaalladii lagu hoobtay ee dhacday bilihii Maarso iyo April ee aynu ka soo gudubnay, waxayna xalay dad badan ku sigteen in ay guryahooda ka qaxaan, si aysan waxyeello uga soo gaarin madaafiicda aan loo meel dayin ee xiliga habeenka ah la isku ridayo.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Madaafiicdii, Qaraxyadii, iyo Is-rasaaseyntii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo 72 saacadood ay ka harsan tahay waqtigii loo qabtay in uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, lamana oga in madaafiicdan loola dan leeyahay in lagu carqaladeeyo Shirkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






