12 C
London
Monday, November 10, 2025

Maxkamadaha Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baaramaanka Xorta ah ee Soomaaliya oo Shirweyne ku qabanaya Dalka Eritrea

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 11, 2007(HOL): Madaxda Maxkamadaha Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay 1-da bisha soo socota ee August ay shirweyne ku qaban doonaan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

 

Shirweynahaas oo ay ka qeybgelayaan 200 oo ergay ayaa haatan waxaa qaban qaabadiisa wada guddi 15 xubnood ah oo kala metelaya maxkamadaha Islaamka, Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo ergooyinka ka qeybgelayana ay ka kala imaanayaan Dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa.

 

Sida ay sheegayaan xubno ku dhow dhow guddiga qabanqaabada Shirweynahaas waxaa la filayaa in shirkaas looga dhawaaqo Urur lagu xoreynayo dalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku mideysan yihiin Maxkamadaha Islaamka, Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya iyo xubno ka socda Bulshada Rayidka.

 

Haddaba Shiikh Shariif Shikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo madax ka kala ah Maxkamadaha Islaamka iyo Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ayaa Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga waxay u sheegeen in ay midoobeen kadib markii ay dalka Soomaaliya ku soo duuleen Ciidamada Itoobiya, waxayna caddeeyeen in ay iska kaashan doonaan sidii Ciidamadaas looga xoreyn lahaa dalka Soomaaliya.

 

Shirweynaha ay qabanayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Baarlamaanka Xorta ah ayaa wuxuu wax yar ka dambeeyaa Shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu wado in 15-ka bishan lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeybgeli doonaan ergooyin kor u dhaafaya 1000 Ruux.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in uu shirkaas qabsoomayo, isla markaana ay ergooyinka lagu casuumay ka qeybgeli doonaan, iyagoo caddeeyay in ay la midoobi doonaan cid kasta oo Soomaali ah oo dooneysa sida ay yiraahdeen in la xoreeyo Dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamka iyo Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, halkaasi oo ay ka cambaareeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya, iyagoo mar kastana ku baaqa in Ciidamada Itoobiya laga saaro Dhulka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).