13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Muqdisho gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 11, 2007(HOL): Wafdi ka socday Qaar ka mid ah Dalalka Beesha Caalamka  iyo Ururada Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa maanta waxay gaareen Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Wafdigan oo uu horkacayay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Dalka Soomaaliya Mr. George Marc Andre ayaa wuxuu ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna ay ammaankooda si weyn u adkeeyeen Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga, kuwaasi oo u kaxeeyay dhinaca Xarunta Villa Somalia.

 

Xubnaha Wafdigan ayaa waxay ka kala socdeen Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo  Dalalka Talyaaniga, Norway iyo Beljim, waxayna kulamo la qaateen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed, kuwaasi oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15-ka bishan ka furmaya magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha Wafdigan ayaa markii ay cagaha dhigeen Muqdisho waxay ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan ujeedada socdaalkooda, inkastoo Saraakiil Soomaali ah oo la socotay ay sheegeen in ay shir jaraa’id ku qaban doonaan gudaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, marka ay soo dhameystaan booqashada ay Muqdisho ku yimaadeen.

 

Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. George Marc Andre uu Muqdisho socdaalkiisii ugu horeeyay ku tago tan iyo markii loo magacaabay Arrimaha Soomaaliya, isagoo xiligaasna kulamo la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed iyo xubno ka socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

 

Socdaalka ay Wafdigan ku tageen Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay muddo afar maalmood ah, iyadoo shirkaasina dhaqaalaha ku baxaya ay bixineyso Beesha Caalamka.

 

Sidoo kalena socdaalka Wafdigan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho uusan hagaagsaneyn, isla markaana ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal loo geysanayo Dad rayid ah iyo Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).