Arbaco, July 11, 2007(HOL): Waxaa taariikhdu markay ahayd 28kii Juun 2007, fadhi ku yeeshay magaalada
Fadhigan ayaa looga wada hadlay sharciyada cusub ee ku saabsan diridda lacagaha guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku saabsan in macaamiisha laga qaado waraaqaha aqoonsiga.
Shirkaas ayaa intii uu socday waxaa la isla qiray sida ay uga biyo-diidan yihiin macaamiisha qaarkood in laga qaado waraaqo aqoonsi marka ay lacagaha dirsanayaan, dhibaato badanna ay arrintan ka soo wajahday, hayeeshee waxaa hadana la is-tusiyay in fulinta sharcigan lagu soo kordhiyay ay ku qasban yihiin, isla markaana aysan lahayn wax doorasho ah.
Mas’uuliyiintii Shirkadahaas ka socday ayaa waxay u sheegeen macaamiishooda sharafta leh in ay ku qasban yihiin fulinta sharciga lagu soo rogay, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay macaamiisha iyaguna la qaataan.
Haddaba ciddii dooneysa faahfaahin ku saabsan sharcigan lagu soo rogay Shirkadaha Xawaaladaha Soomaaliyeed ee ka howlgala Dalka Ingiriiska waxay la xiriiri kartaa Xafiiska Ururka Somali Financial Services Association (
Unit # 3002, Access House
1 Nestle Avenue
Hayes, Middlesex
UB3 4UZ
PHONE # 44(0)20-86060824
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






