13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

GUDDOOMIYAHA GANACSATADA SUUQA BAKAARAHA: “Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay Goobahooda ganacsiga furtaan oo ay dib u howl bilaabaan”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 11, 2007(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay Ganacsatada Suuqaas in ay goobaha ganacsiga furaan, isla markaana ay dib u bilaabaan ganacsigoodii.

 

Cali Dheere waxaa uu sheegay in xal loo helay mushkiladihii keentay in ay ganacsatadu xiraan goobahooda ganacsiga, wuxuuna sheegay in aaney jirin wax boob ah oo ay ganacsatadu kala kulmi doonaan Ciidamada Suuqa Bakaaraha ka howlgelaya.

 

Shacabka ku dhaqan Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in aysan u dul-qaadan karin sii xirnaashaha Goobaha Ganacsiga Suuqa Bakaaraha, sidaas darteedna wuxuu ganacsatada ka codsaday in ay dadka shacabka ah u naxariistaan.

 

Hadalka Guddoomiyaha Ganacstada Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu yimid kadib markii ay arrinta Suuqa Bakaaraha wada hadal ka yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Ganacsatada  Suuqa Bakaaraha, iyagoo ka wada hadlay sidii loo maareyn lahaa mushkiladda ka aloosantay Suuqaas.

 

Gunaanadkii shirkaas ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid ahaayeen in la sameeyo guddi ganacsato ah oo la socda marka ay Ciidamada Dowladda Federaalka howlgallada sameynayaan, in Shirkadaha Ganacsiga waa weyn ee Suuqa Bakaaraha loo sameeyo Ciidamo Boolis ah iyo in ay Ciidamada Dowladda Saldhig ka sameystaan gudaha Suuqaas.

 

Suuqa Bakaaraha oo ay ka xoogsadaan dad badan Soomaaliyeed ayaa muddo todobaad ahwuxuu yahay mid aaney ka socon howlo ganacsi, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku daadisay ciidamo tiro badan oo holwgallo baaris ah ka sameynayay, iyadoo intii ay howlgalladaas socdeena ay dhaceen ilaa 10 qarax oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo Ciidamadii howlgallada sameynayay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku yaala oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa waxaa ku xiran nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo manaafacaadsada raashin quutul-daruuri ah oo Suuqaas looga iibyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).