13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddoomiyihii Degmada Boondheere oo lagu toogtay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 10, 2007(HOL): Guddoomiyihii Degmada Boondheere C/kadiin Xuuti ayaa nin bastoolad ku hubeysan waxaa uu ku dhex toogtay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo degmadaas ku yaala, inkastoo Guddoomiyaha dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Falka lagu toogtay Guddoomiyaha ayaa waxaa uu u muuqday mid qorsheysan sida ay sheegeen dad beryahan ku taxnaa oo la socday Ciyaaraha uu daawanayay Guddoomiyaha, waxayna sheegeen in shalay uu xirnaa Ganjeel weyn oo ku yaala halka ciyaarta lagu daawanayay, halka maanta uu furnaa, Sidoo kalena maalmahan la baarayay dadka daawashada ciyaarta u imaanayay, halka aan maanta wax baaris ah la sameynin.

Ninka Rasaasta ku furay Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa la sheegay in intii ay Ciyaarta socotay uu gadaasha ka taagnaa Guddoomiyaha, kaasi oo markii ay ciyaarta dhamaatay rasaasta la beegsaday Guddoomiyaha iyo Nin ilaalo u ahaa, kaasi oo goobtii ku naf baxay. Sidoo kalena waxay dad goob-joogayaal ah noo xaqiijiyeen in ay goobtaas ku dhaawacmeen afar ruux oo kale, kuwaasi oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Ma aysan suurtagelin in la qabto ninkii falkaas ka dambeeyay, waxaana la sheegay in uu ku dhex baxsaday dadkii ciyaarta daawanayay oo markii ay Rasaasta maqleen isku dhex yaacay. Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa muddooyinkan ku socday weerarro lagu dilayay, iyadoo horay Magaalada Muqdisho loogu dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-wadaag iyo Shibis.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).