Talaado, July 10, 2007(HOL): Qalalaase iyo kala-haad muddo shan maalmood ah ka taagnaa Suuqa Bakaaraha ayaa ugu dambeyntii waxaa shir isugu yimid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir, iyagoo ka wada hadlay sidii loo maareyn lahaa mushkiladda ka aloosantay Suuqa Bakaaraha.
Labada dhinac oo dood ka yeeshay sidii xal loogu heli lahaa arrinta Suuqa Bakaaraha oo aaney wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin muddo shan maalmood ah ayaa ugu dambeyntii waxaa la isku af-gartay qodobo ay ka mid ahaayeen:
In la sameeyo Guddi Ganacsatado ah oo Ciidamada Dowladda Federaalka la socda marka ay howlgallada baarista ah sameynayaan.
In gudaha Suuqa Bakaaraha laga sameeyo Saldhig Boolis oo laga sugo ammaanka Suuqaas oo ah midka ugu weyn Soomaaliya.
In Shirkadaha waa weyn ee Ganacsiga loo sameeyo Ciidamo Boolis ah oo ilaalo u noqda, maadaama hubkii ay heysan jireen ay Dowladda Federaalka horay uga qaaday
Iyo in Ciidamada Dowladda Federaalka lagu gacan siiyo howlgallada ay ammaanka ku sugayaan, isla markaana lagu wargeliyo dadka ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah.
Suuqa Bakaaraha oo ay ka xoogsadaan dad badan Soomaaliyeed ayaa muddo shan maalmood ah wuxuu ahaa mid aaney ka socon howlo ganacsi, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku daadisay ciidamo tiro badan oo holwgallo baaris ah ka sameynayay, iyadoo intii ay howlgalladaas socdeena ay dhaceen ilaa 6 qarax oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo Ciidamadii howlgallada sameynayay.
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa iyagu waxay maalmahan ka cabanayeen falal aan wanaagsaneyn oo kula dhaqmeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay sheegeen in ay mararka qaarkood kala kulmaan dhac iyo handadaad, sidaas darteedna waxay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka codsadeen in ay Ciidamadaas ka xakameyso.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku yaala oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa waxaa ku xiran nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo manaafacaadsada raashin quutul-daruuri ah oo Suuqaas looga iibyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






