13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku baaqay in la furo Suuqa Bakaaraha, Xabsiyadana laga sii daayo Dadka u xiran Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 10, 2007(HOL): Odayaal ka tirsan Beesha Hawiye oo maalintii shalay ahayd shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa gunaanadkii shirkooda waxay ka soo saareen baaq ay u jeediyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay xabsiyada ka sii deyso dadka maxaabiista ah ee u xiran, gaar ahaan kuwa aan dembiyada la heyn ee tuhunka lagu xiray, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay Dowladda in ay furto Suuqa Bakaaraha oo muddo shan maalmood ah xirnaa.

 

Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu sheegay in xirnaashaha Suuqa Bakaaraha ay dhibaato weyn ka soo gaareyso dadka shacabka ah oo intooda badan noloshooda ay ku tiirsaneyd Suuqaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan loo baahneyn in uu Suuqaas sii xirnaado.

 

Xaaji Cabdi Iimaan waxaa kale oo uu baaq u jeediyay  dadka ka dambeeya qaraxyada Muqdisho ka dhaca, wuxuuna u sheegay in aysan wax faa’iido ah ka heleynin in ay Bambo u dhigaan dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

 

Baaqa ay soo saareen Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo shan maalmood ah aysan Suuqa Bakaaraha ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, iyadoo taasina ay ugu wacneyd Dowladda Federaalka oo ciidamo ku daadisay Suuqaas.

 

Dhanka kalena, Odayaashan ayaa waxay shirkooda ka soo saareen go’aan  ah in ay si shuruud la’aan ah uga qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15-ka bishan ka furmaya Magaalada Muqdisho, iyagoo caddeeyay in ay Beelaha Hawiye dhexdooda ka heshiiyeen wixii horay u kala gaaray.

 

Haddaba iyadoo ay Odayaasha Hawiye ee shirka isugu yimid ay sidan leeyihiin ayaa hadana waxaa dhanka kale shirkaas qaadacay Odayaal iyana ka soo jeeda Beesha Hawiye, kuwaasi oo sheegay in aysan jirin Beelo Hawiye ah oo laga heshiisiinayo dhibaato horay u dhexmartay.

 

Axmed Diiriye Cali oo Odayaasha ka mid ah ayaa sheegay in sababta ay shirkaas u qaadaceen ay ahayd iyadoo aysan jirin Beelo Hawiye iyo Beelo Soomaaliyeed oo dhaqan ahaan isku khilaafsan, hayeeshee ay jiraan khilaafaadyo siyaasadeed oo loo baahan yahay in looga heshiiyo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

“Haddii Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu noqdo mid khilaafaadyada siyaasadeed looga heshiiyo waa dhamaaneysaa dhibaatada Soomaaliya ka taagan iyo xabadda maalin kasta ka dhaceysa magaalada Muqdisho”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).