Talaado, July 10, 2007(HOL): Iyadoo maalintii shalay ahayd uu sheegay Afhayeenka Golaha Guurtida Dhaqanka Beesha Sade C/naasir Xasan Xirsi Shaarib in aysan beeshiisa diyaar u ahayn ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadalkaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay Suldaanka Beesha Sade Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow.
Suldaanka wuxuu sheegay in ninka u hadlay Beesha Sade uu ahaa nin aaney jirin cid wakiilatay, isla markaana uu hadalkaas isaga ku koobnaa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu isagu caddeynayo in ay Beesha Sade ka qeybgeleyso Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
“Beesha Sade Cabduud-waaq, Gedo iyo Waamo meeshii ay doonto ha joogtee waa ay ka qeybgeleysaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waana la soo gaarsiiyay casuumaadda shirkaas”ayuu yiri Suldaanka Beesha Sade.
Suldaan Maxamed Bashiir waxaa uu sheegay in Beesha Sade ay ka mid tahay Beelaha Soomaaliyeed ee ay ka go’an tahay in mushkiladda Soomaaliya xal loo helo, wuxuuna farta ku fiiqay in ay ergooyinka shirka uga qeybgelaya ay boorsooyinkooda u xir xiran yihiin.
Dhanka kalena, qaar ka mid Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa iyaguna waxay qabaan fikir ah in aysan shirka dib u heshiisiinta ka qeybgeli doonin, tan iyo inta shirkaas laga dhigayo mid looga heshiiyo khilaafaadyada Siyaasadeed.
Si kastaba arintu ha haatee, hadalka Suldaanka Beesha Sade ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili uu guddiga qabanqaabada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu sheegay in ay bilaabatay soo daadgureynta Ergooyinka shirkaas ka qeybgelaya, kuwaasi oo laga keenayo gobollada dalka Soomaaliya iyo dibaddiisa intaba.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






