13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

SHIIKH AADAN MADOOBE: “Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya lama celin karo xitaa haddii ay u socdaan Asmara”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 09, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo maanta Baydhabo kula hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay soo gaareen dhibaatooyin Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay kala kulmaan Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u xusay Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo labo jeer laga soo celiyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo xili uu doonayay in uu dalka dibaddiisa u dhoofo, “Xildhibaanada Baarlamaanka waxay wakiil ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, mana jirto cid sharaftooda ku xadgudbi karta”ayuu si kulul u  yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

 

“Ma jirto cid hor istaagi karta Xildhibaanada Baarlamaanka xitaa haddii ay Asmara (Caasimadda Eritrea) u socdaan, markaas Xildhibaankii aan u yeerno ee labo bilood gudahood ku imaan waaya xilka ayaan ka qaadeynaa”ayuu mar kale yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in Askarigii ku xadgudbay Xildhibaan C/rashiid Xiddig uu ka garaabay falkii uu geystay.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay xaaladda qaboojiyaan marka ay ciidamada Dowladda kala kulmaan falal aan u qalmin, “Waan ognahay in Ciidamadeeda aysan lahayn anshax wanaagsan, balse idinka ayaa la idinka rabaa in aad dulqaadataan”ayuuna Shiikh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya dhowr jeer laga celiyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, xili ay doonayeen in ay Dalka ka dhoofaan.

 

Ugu dambeyntiina, shalay ahayd markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka sheegay in ay dhamaatay mudadii xaladda deg dega ah uu ku jiray dalka Soomaaliya, haatan wixii ka dambeeyana uu Baarlamaanka Soomaaliya bilaabi doono fadhiyadiisii caadiga ahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).