13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Qabanqaabo loogu jiro Xuska C/qaadir Yaxye Cali (U Ololeeyihii Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha) oo ka socota Dalalka Somalia, Canada, Britain iyo Australia

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 09, 2007(HOL): Magaalooyinka Muqdisho, Ottawa, London, Melbourne oo ka kala tirsan Dalalka Somalia, Canada, Britain iyo Australia ayaa waxaa ka socota qaban-qaabo loogu jiro xus loo sameynayo Marxuum C/qaadir Yaxye Cali oo ahaa Halyey u ololeyn jiray Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, kaasi oo 11-kii July 2005 ay kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Muqdisho.

 

 Muxuu yiri C/qaadir Yaxye,    Maxaase Geeridiisii laga yiri

 

9ka ilaa 11-ka bishan: Idaacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa waxay bilaabayaan baahinta barnaamijyo ku saabsan halgankii uu C/qaadir Yaxye ugu jiray in ay Dadka Soomaaliyeed helaan Nabad iyo Xuquuqda ay leeyihiin, sidoo kalena Idaacadaha BBC iyo VOA Laamahooda Soomaaliga ayaa iyaguna war ahaan ama warbixin ahaan u baahin doona xuska loo sameynayo Marxuum C/qaadir Yaxye.

 

10-ka ilaa 11-ka bishan: Waxaa jiri doona tartamo Isboorti oo lagu weyneynayo xuska marxuumka, kuwaasi oo ka kala dhici doona Magaalooyinka Muqdisho, Ottawa iyo London, iyadoo ay tartamadaas ka qeybgelayaan 8 kooxood oo Kubadda Cagta ah iyo labo kooxood oo Kubadda Kolayga ah.

 

10-ka ilaa 11-ka bishan: Inta lagu guda jiro Xuska C/qaadir Yaxye waxaa sadaqo loo qeybin doonaa 300 oo Qoys, kuwaasi oo la siin doono raashin iyo lacag, sidoo kalena waxaa marxuumka magaciisa lagu qeybin doonaa Kutub Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo sadaqadaasna lagu bixin doono seddex goobood oo Muqdisho ku taala oo ay ku nool yihiin dad soo barakacay.

 

11-ka Bishan: Waxaa Xaflad lagu xusuusanayo marxuum C/qaadir Yaxye lagu qaban doonaa Magaalada Melbourne ee dalka Australia, iyadoo halkaasina laga soo jeedin doono taariikhdii iyo waxqabadkii marxuumka, iyadoo ay xafladdan ay isugu jiri doonto xusuus dhaqameed iyo dabaal-deg loo sameynayo noloshii C/qaadir Yaxye.

 

11-ka Bishan: Sidoo waxaa ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska munaasabad kale oo lagu xusuusanayo marxuum C/qaadir Yaxye, inkastoo aan la shaacin meesha munaasabaddaas lagu qabanayo iyo waqtiga la qabanayo intaba.

 

11-ka Bishan: Waxaa jiri doona Xus dhaqameed marxuumka loogu sameynayo Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Gurigiisa iyo Xarunta Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga (CRD), iyadoo sidoo kalena ay Qabriga Maxruumka booqan doonaan qaar ka mid ah Qoyskiisa.

 

Marka laga soo tago Idaacadaha iyo iyo shakhsiyaadka ka qeybqaadanaya xuska marxuumka waxaa sidoo kale hawada ka sii deyn doona Barnaamijyo Documentry ah oo ka hadlaya taariikhdii iyo noloshii Marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali Taleefashinnada Universal iyo UNV TV, iyadoo sidoo kalena lagu dhawaaqi doono Deeq Waxbarasho oo magaca Marxuumka lagu bixin doono.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, 11-ka bishan ayaa waxay ku beegan tahay sanadguuradii labaad oo ka soo wareegatay markii ay marxuum C/qaadir Yaxye kooxo hubeysan ku dileen gurigiisa oo ku yaala Magaalada Muqdisho.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).