Sabti, July 07, 2007(HOL): Labo Sarkaalka oo ka kala tirsanaa Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Sidoo kalena Aadan Axmed Muumin oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka, ayaa isna shalay lagu dilay Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo ka qaatay Bastoolad uu watay.
Dhanka kalena, Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Muqdisho Qaraxyo lala beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo qaraxyadaas kadibna ay dhacday rasaas xooggan oo dhexmartay ciidamadii Qaraxa lala beegsaday iyo kooxihii qaraxa ka dambeeyay.
Qaraxyadii xalay dhacay ayaa waxay ka kala dhaceen Isgoysyada SOS iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasina ay ku soo beegmayaan xili uu habeenkii 15aad magaalada Muqdisho saaran yahay Bandow ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay sii noqoneysaa mid uu sii xumaanayo ammaankeeda, iyadoo uu xaalkeeduna haatan taagan yahay in la bartilmaameedsado Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Weerarradii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dilalka loo geystay Saraakiisha ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo dhawaan Ciidamo Boolis ah oo tiradoodu gaareyso 3000 oo askari lagu kordhiyay Ciidamada Booliska ah ee u xilsaaran sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






