12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ottawa-Canada oo Kaalmo ay ku farxeen gaarsiiyay Dad Qaxooti ah oo ku sugan Kulliyadii Beeraha Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, July 07, 2007(HOL): Deeq Lacageed oo ay soo dhibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ee Dalka Canada ayaa waxaa raashin ahaan loo gaarsiiyay Qoysas Qaxooti ah oo ku nool Kuliyaddii Beeraha Afgooye.

 

Qaxootigan oo  tiradoodu gaareyso 850 Qoys oo haatan ku nool Kuliyaddii Beeraha Afgooye ayaa waxaa loo qeybiyay Raashin isugu jiray Bur, Digir iyo Saliid, iyadoo dadkii loo qeybiyay oo xaalad nolol xumo ah ku jirayna ay aad ugu farxeen markii deeqdaas la gaarsiiyay.

 

Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa  ku soo hagaajisay Lacagtaas ayaa waxaa uu dadkaas Qaxootiga ah ugu iibiyay Raashin isugu jiray Bur, Saliid iyo Digir.

 

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Samafalka Bani’aadam Inj. C/Casiis Mayow Maxamed ayaa HOL u sheegay in ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ay soo gaarsiiyeen lacag dhan 25,000$ (Shan iyo Labaatan Kun oo Doollar), wuxuuna caddeeyay in  18,750$ (Sideed iyo Toban Kun Todobo Boqol iyo Konton Doollar) oo lacagtaas ka mid ah ay dadkaasi Qaxootiga ah ugu iibiyeen Raashin.

 

“Lacagtaas waxaan ku iibinay 340 Kiish oo Bur ah, 426 Kiish Digir ah iyo 142 Kartoon oo Saliid ah, waxaana Qoys kasta gaarsiinay 20 Kiilo oo Bur ah, 30 Kiilo oo Digir ah iyo 3 Kiilo oo Saliid ah”ayuu yiri Inj. C/casiis Mayow oo isagu horkacayay Mas’uuliyiintii Ururka Bani’aadam ee deeqdaas gaarsiisay Qaxootiga ku nool Kuliyaddii Beeraha Afgooye.

 

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Samafalka Bani’aadam waxaa uu sheegay in ay bixinta Deeqdaas ay u fududeeyeen Odayaal iyo Guddi ay iska dhex doorteen Qaxootiga ku nool Kulliyaddii Beeraha Afgooye, kaasi oo ay ku kala dambeeyaan 850-ka Qoys ee halkaas ku wada nool. Sidoo kalena wuxuu Guddoomiye ku xigeenka Carrabka ku dhuftay in ay bixinta Deeqdaas ay gacan weyn ku siiyeen Prof. Cali Mahad, Tahliil Maxamuud Ibraahim iyo Cudbi Xaashi Kediye oo iyadu Madax ka ah NGO lagu magacaabo Maandeeq oo Xaruntiisa ku taallo gudaha Kuliyadda.

 

Dadkii Raashinkaas loo qeybiyay oo wejiyadooda ay farxad ka muuqatay ayaa waxay mahadcelin ballaaran u jeediyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Ottawa ee dalka Canada oo iyadu u soo dirtay Lacagta Raashinka loogu soo iibiyay iyo sidoo kale Ururka Samafalka Bani’aadam oo isna Raashinka gaarsiiyay, waxaana dadkii Mahadnaqaas jeediyay ka mid ahaa Bintow Aadan Ibraahim iyo Jamiilo Axmed, kuwaasi oo loo xil saaray in ay magaca Qoysaska Raashinka la gaarsiiyay ku mahadceliyaan.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Deeq Lacageed oo ka timid Dalka Canada la soo gaarsiiyo Dadku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana horay deeqo Lacageed u soo gaarsiiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee isla Dalka Canada, taasi oo lacagihii ay soo dhiibtay dawooyin loogu iibiyay Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan Dad qaba dhaawacyo kala duwan oo ay xitaa ku jiraan kuwo ka dhashay Dagaalladii lagu hoobtay ee bilihii Maarso iyo April ka dhacay magaalada Muqdisho  iyo Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo ay isna ku jiraan Hooyooyin iyo Caruur xanuuno kala duwan la il-daran, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in Deeqdaas ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan raashin loogu iibiyay Dad ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo ku nool Tuulooyin hoos-taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).