12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in 600 oo Markab ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 05, 2007(HOL): Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay Xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah uga kalluumeystaan Maraakiib badan oo shisheeye.

 

Agaasimaha  guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Axmed Maxamed Iimaan oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in ay Maraakiib Kallumeysi oo tiradoodu gaareyso 600 oo Markab ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo xaalufin ba’an ku haya Kheyraadka Soomaaliya ugu jira Baddeeda.

 

Agaasimaha wuxuu intaas ku daray in Maraakiibtaas ay leeyihiin Dalalka Thailand, Taiwan, Japan iyo Korea, isagoo xusay in ay Maraakiibtan wataan Shabaag waa weyn oo ay ku kalluumeystaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu xusay in qorsheyneyso in ay soo iibsato Maraakiib iyo Doomo dheereeya oo lagu ilaaliyo Xeebaha Soomaaliya, si looga badbaadiyo xaalufinta ku socota.

 

Mar uu dhawaan booqday Dalka Thailand ayuu sheegay in ay halkaas wada hadallo ku yeesheen shirkado ku lug leh kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu hayo Badda Soomaaliya, hayeeshee ay wada hadalladaas noqdeen kuwo aaney natiijo ka soo bixin.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Iimaan ayaa dhawaan wuxuu mid aan sharci ahayn ku tilmaamay heshiis ay kala saxiixdeen maamulka Puntland iyo Dowladda Yemen, kaasi oo ku saabsanaa in ay Dowladda Yemen ka Kalluumeysato, isla markaana ay ilaaliso Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan heshiiskaas waxba kala soconin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xeebaha Soomaaliya ayaa marka laga soo tago Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda waxaa dhanka kale ka dilaacay kooxo Burcad Badeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha Qafaasha, kadibna lacag madax furasho ah ka qaata, inkastoo Kooxahaas ay ku doodaan in ay Xeebaha Soomaaliya ka ilaalinayaan Kalluumeysatada Sharci Darrada ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).