Khamiis, July 05, 2007(HOL): Guriga Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Dhimbil Warsame ayaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray Bambo nooca gacanta laga tuuro ah.
Inkastoo uusan xiligaas wasiirka ku sugneyn gurigiisaa, hadana waxaa ku sugnaa Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye, kaasi oo gurigaas ku soo qaxay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen dagaalladii Muqdisho ka dhacay, waa sida uu Ugaaska qudhiisa sheegaye.
Ugaas Cabdi Daahir waxaa uu sheegay in intii uusan qaraxaas dhicin uu ka arkay dariishadda qolkii uu ku jiray hilaac weyn, kadibna uu dhacay Qarax weyn oo aaney waxyeello ka soo gaarin.
Sidoo kalena habeenkii xalay ahaa waxaa weerar loo adeegsaday Bambo gacmeed lagu qaaday Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamadii Saldhiggaas ku sugnaa.
Saakay markii uu waaga baryay kadib ayaa waxaa uu Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sanca iyo Nasiibuundo, iyadoo qaraxaasina uu dhacay waxyar kadib markii uu halkaas maray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Dhanka kalena, Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha ah ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay la soo dhigay Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan iyo Soomaali ah, kuwaasi oo baaris ku sameynayay guryaha ku hareereysan Waddooyinkaas, iyagoo hakad geliyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay sii noqoneysaa mid uu sii xumaanayo ammaankeeda, iyadoo uu xaalkeeduna haatan taagan yahay in la bartilmaameedsado Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






