12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Hay’adda Cilmibaarista iyo Wadatashiga CRD oo gacan ka geysatay maamul loo sameeyay gobolka Bakool

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 05, 2007(HOL): Waxaa shalay ka dhacday xarunta gobalka Bakool munaasabad lagu dooranayay guddoomyaha Gobolka Bakool iyo Kuxigeenadiisa.

 

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Cilmi baarista iyo wadtashiga CRD oo ay ka soo qeybgaleen masuu’liyiin ka socday Dowladda Federaalka, Kuwaasi oo kala ahaa Wasiir kuxigeenka Warshadaha iyo Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Isaaq Afaraale iyo Xildhibaan Guurow ayaa waxaa lagu doortay in uu noqdo Guddoomyaha Gobolka Bakool ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed (Tool), Halka guddoomiye kuxigeenka koowadna loo doortay Shiikh C/llaahi, halka Guddoomiye ku xigeenka 2aadna loo doortay Shiikh Xasan Lug-buur.

 

Doorashadan maanta la soo gebagebeeyey ayaa waxay keentay  in maamul dadku ay doorteen uu ka hirgalo labada gobol ee Bay iyo Bakool, iyadoo mas’uuliyiinta Gobolladaas ay yihiin kuwo ay dadku soo doorteen.

 

Munasabaddan maanta dhacday ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay wakiillo ka socday Hay’adda UNDP, waxaa kale oo isna goob joog ka ahaa Agaasimaha hay’adda CRD ee gobollda  Bay iyo Bakool ninka lagu magacaabo Yuusuf Baadiyow

 

Horay  ayay hay’addani CRD gacan uga geysatay maamul  u samayntii gobolka Bay, waxaana la filayaa in ay dhawaan gacan ka geysan doonto maamullada loo sameynayo Gobollada kale ee Dalka.

 

Abshir Maxamed Nuur (Mandeela)

abshir_39@hotmail.com

Baydhabo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).