Arbaco, July 04, 2007(HOL): Todobaadkii hore ayay ahayd markii Wargeyska Washington Post uu ka soo xigtay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi in uu yiri “waan ku qaldanay gelitaanki Soomaaliya iyo dagaalkii aan la galnay maxkamadihii Islaamka ee aan ku jebinay”, hayeeshee markii uu warkaas daabacay Wargeyska, isla markaana ay ka sii qaateen Wakaalo warar oo tiro badan ayaa waxaa hadalkaas beeniyay Bereket Simon oo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya La-taliye gaar ah u ah.
Bereket Simon, waxaa uu sheegay in hadalkaas uusan dhihin Meles Zenawi, isla markaana uu Wargeyska u qaatay si uusan Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya u dhihin, “Ra’iisal Wasaaraha sidaas ma dhihin, waxaana rumeysannahay in aanan qalad sameynin markii aan Soomaaliya geleynay”ayuu yiri Bereket Simon.
“Sax ayuu ahaa go’aankii aan ku galnay Soomaaliya, waxaana keenay nabad wadada u xaareysa in ay soo noqoto Dowladnimadii Soomaaliya, waana taasi waxa aan sameynay, mana ka shalaayeyno”ayuu yiri La-Taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mr. Bereket Simon.
Sidoo kalena Bereket Simon waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu Meles Zenawi u sheegay Baarlamaanka Dalkiisa in ay sidoo kale ku qaldanaayeen dagaalkii ay la galeen Maxkamadihii Islaamka, “Maya, ma dhihin dagaalkii aan la galnay Maxkamadihii Islaamka qalad ayuu ahaa ee waxa kaliya ee uu yiri waxay ahayd in gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay ku timid sabab ay keeneen maxkamadihii Islaamka”ayuu mar kale yiri La-taliyaha Meles Zenawi
Mr. Bereket Simon oo sii daba socday war kale oo uu Wargeyska Washington Post ka soo xigtay xubno ka tirsan Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka Muqdisho, kuwaasi oo sheegay in loola dhaqmay sida Al-qaacidda oo kale, isla markaana guryahooda iyo xafiisyadooda la baaray ayaa sheegay in aaney eedeymahaas waxba ka jirin oo markaasina ay Ciidamadooda leeyihiin anshax dhaqameed wanaagsan.
“Ciidamadeena waa kuwo leh dhaqan wanaagsan, waxayna horay uga howlgaleen dalalka
Goorta ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay marka uu ammaanka dalka Soomaaliya noqdo mid la isku haleyn karo, isla markaana ay Dowladda Federaalka noqoto mid cagaheeda isku taagta, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray Bereket Simon in ay Qabaa’illada iyo Juffooyinka Soomaaliyeed ay haatan xulanayaan Wakiillada uga qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo Dowladda Federaalkana ay ku howlan tahay sidii ay hubka uga dhigi lahayd Argagixisada iyo Shacabka Soomaaliyeed, “Haddii aanan hubka la qaadin, suurtagal ma ahan in la helo nabad la isku haleyn karo”ayuuna yiri Bereket Simon.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa todobadkii hore caddeeyay in ay Ciidamadiisa ka baxayaan Soomaaliya marka xaaladda Ammaan ay ka soo reyso ama marka uu guuleysto Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, taasina waxay muujineysaa in aysan Ciidamada Itoobiya bixi doonin haddii aanu ammaanka Soomaaliya hagaagin ama uu guuldareysto Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheego in ay difaacayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada Itoobiya ay mar kasta is-faro-saaraan Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






