Arbaco, July 04, 2007(HOL): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo tiradoodu gaareyso 55 Mudane ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saareen Magaalada Baydhabo waxay uga soo horjeesteen Baasaboor cusub oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo sameysay.
Xildhibaanadan ayaa sheegay in Baasaboorka cusub uu yahay mid ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dooneyso in ay si sharci darro ah ku dhaqangeliso, iyadoo aanan horgeynin Baarlamaanka.
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo Xildhibaanadaas ka mid ah ayaa sheegay in Baasaboorka cusub uu yahay mid aan sharci ahayn, wuxuuna ugu baaqay Xukuumadda Federaalka in ay Baarlamaanka horgeyso sharciga Baasaboorka, inta laga sharciyeynayana la sii isticmaalo Baasaboorkii hore.
Sidoo kalena, Xildhibaanka waxaa uu sheegay in ay jiraan Ganacsato ku sugan dalka gudahiisa iyo Dibadiisa, kuwaasi oo soo sameeya Lacag Been abuur ah oo Shillin Soomaali ah, taasi oo ay ogolaasho uga heystaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale carrabka ku dhuftay in ay ku baaqayaan in la joojiyo lacagaas sida sharci darrada ah loo soo daabacayo.
Dhanka kalena, Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ka jawaabayay eedeynta ka timid Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanada warka soo saaray ay heystaan Baasaboorka cusub, isla markaana uusan garaneynin sabab ay ku mucaaradaan.
Baasaboorka cusub ee loo soo sameeyay Soomaaliya oo ah mid casri ah oo aan la been abuuri karin ayaa waxay ahayd in uu si toos ah u dhaqangalo, hayeeshee taasi ma aysan suurtagelin, waxaana ugu wacnaa iyadoo aaney dadka wada qaadan Baasaboorka cusub, sidaas darteedna waxay Waaxda Socdaalka ku kordhisay Isticmaalka Baasaboorkii hore muddo bil ah, si ay mudadaas dadka ugu qaataan Baasaboorka cusub.
Baasaboorkan cusub ayaa qofkii ka qaadanaya gudaha dalka Soomaaliya waxaa uu ku helayaa lacag dhan 100$, halka qofkii dalka Dibaddiisa ka qaadanayana uu ku heli karo 150$, taasi oo uu C/llaahi Gaafow ku sheegay mid aad u jaban marka loo eego qiimaha ay ku kacday sameynta Baasaboorka cusub.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baasaboorkan cusub ee ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu meesha ka saarayaa qiimo-dhicii ku yimid Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kaasi oo intey sameysteen ay ku socdaaleen xitaa Dad aan Soomaali u dhalan, kuwaasi oo qaarkood fal dembiyeedyo ku lug yeeshay
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






