12.7 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddiga Qabanqaabada Shirka Dib u heshiisiinta oo sheegay in Gaadiid loo dirayo Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 04, 2007(HOL): Guddiga u xil saaran shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo qabtay, iyadoo dhawaana Gaadiidkii lagu soo qaadi lahaa loo dirayo Ergooyinka shirka ka qeybgelaya.

 

Axmed Shiikh Mukhtaar oo Guddigaas ka mid ah ayaa sheegay in ay gebagebo mareyso howsha dayactirka ah ee lagu hayo halka shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska, sidoo kalena la diyaariyay halkii la dejin lahaa ergooyinka.

 

5ta-10ka bishan ayuu sheegay in Ergooyinka la keeni doono  Magaalada Muqdisho, iyadoo 15-ka bishana uu bilaaban doono Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah mid ay ku heshiinayaan Beelaha Soomaaliyeed ee colaadda dhexmartay.

 

Shirkan ayaa labo jeer oo hore dib loo dhigay kadib markii loo waayay dhaqaalihii lagu socod siin lahaa iyo sidoo kale halkii shirka lagu qaban lahaa oo aan diyaarsaneyn, hayeeshee haatan ayuu guddiga u xil saaran Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed sheegayaa in dhamaan caqabadahaas laga gudbay.

 

Beesha Hawiye oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee shirka ka qeybgelaya ayaa maalinta berri ah waxaa uga furmaya Magaalada Muqdisho shir ay uga heshiineyso khilaafyo hoose oo u dhaxeeya, iyadoo dooneysa in ay shirweynaha dib u heshiisiinta tagto iyadoo mid ah oo uusan wax khilaaf ah u dhaxeynin.

 

Shirkan oo ay markiisii hore ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay Odayaasha Beelaha Hawiye,Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ku fikir ah ay qabaan in shirka uu noqdo mid looga hadlo khilaafaadyada Siyaasadeed, halka Dowladda Federaalkana ay rabto in uu noqdo mid ay ku heshiiyaan Beelaha Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar uu dhawaan ka hadlayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono, waxaa uu si cad u sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen,”Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Shirkii Kenya ayay ku soo heshiiyeen, shirkanna waa mid loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).