12.7 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 04, 2007(HOL): Ciidamo gadoodsan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saldhigga Booliska Degmada Beledweyne, iyagoo sheegaya in ay ka soo horjeedaan qaabka uu u shaqeynayo Maamulka Gobolka.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay gadoodka sameeyeen kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ay Ciidamada Itoobiya u gacan geliyeen Xasan Nuur Qanyare oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka, sidoo kalena ay Ciidamada la soo deristay daryeel la’aan.

 

Nabad-doon Xasan Nuur Qanyare (Xasan (Ciid) oo Ciidamada Itoobiya loo gacan geliyay ayaa lagu soo waramayaa in uu haatan ku sugan yahay Deegaanka Feer-Feer, halkaasi oo ay geeyeen Ciidamada Itoobiya, iyadoo markii hore oo Nabaddoonka la kaxeynayayna loo sheegay in la geynayo Deegaanka Coomaad, si uu uga qeyb-qaato waan waan laga dhex wado Beelo halkaas ku dagaalamay.

 

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa saakay guryahooda iska jooga kadib markii xafiisyadoodi ay la wareegeen Ciidamadan oo amar ku bixiyay in aaney u imaan karin mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kuwa Ciidamada ee ku sugan Magaalada Beledweyne.

 

Gadoodka ay sameeyeen Ciidamadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka Gobolka Hiiraan Col Maxamed Axmed Xubeyro uu eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo uu dusha uga tuuray eedeyn ah in ay dhaqaalaha ka soo xarooda Gobolka ay kaligooda ku tagari falaan, isla markaana aysan bixin mushaarooyinkii ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolka ku sugan.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Gadoodka sameeyay ayaa sheegay in aanu maamul gobolka ka jirin, isagoo taasina ku sababeeyay in uusan jirin sharci iyo nidaam u degsan maamulka oo uu ku dhaqmo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan la aqoonin qaabka loo maareeyo 50 Milyan oo Shillin Soomaali ah oo  maalin kasta ka soo xaroota Gobolka Hiiraan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).