12.7 C
London
Monday, November 10, 2025

Inj. Munye oo loogu baaqay in uu soo wareejiyo Maraakiibtii Kalluumeysiga Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 03, 2007(HOL): Xildhibaan Inj Munye Saciid Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana hayay Maraakiibtii Kalluumeysiga ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay in uu Maraakiibtaas ku wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Iimaan (Axmed Gees) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Inj. Munye in uu Maraakiibtaas ku soo wareejiyo Dowladda Federaalka, bacdamaa sida uu yiri uu haatan Dalka Soomaaliya leeyahay Dowlad.

 

Agaasimaha waxaa uu sheegay in Inj. Munye uu hayo ilaa 6 Markab oo Kalluumeysi oo ay Soomaaliya leeyahay, inkastoo mid ka mid ah 6-daas Markab oo lagu magacaabo 21-ka Oktoobar uu dhawaan ku soo caariyay Xeebaha Garacad ee hoos taga Maamulka Puntland, kadib markii ay cilad ku timid.

 

Axmed Gees, Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu intaas ku daray in ay dhawaan Taag soo jiida Markabkaas u diri doonaan Xeebaha Garacad, si Markabkaas ciladda ku timid looga sameeyo.

 

Dhanka kalena, Agaasimaha waxaa uu mid aan sharci ahayn ku tilmaamay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen maamulka Puntland iyo Dowladda Yemen, kaasi oo ku saabsanaa in ay Dowladda Yemen ka Kalluumeysato, isla markaana ay ilaaliso Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan heshiiskaas waxba kala soconin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaa uu intaas ku daray Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay Wasaaraddiisa haatan ku howlan tahay sameynta Sharcigii Kalluumeysiga, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Dowladaha doonaya in ay Xeebaha Soomaaliya ka kalluumeystaan in ay sharcigaas sugaan, isagoo Dowladda Yemen-na ugu baaqay in ay joojiso heshiisyada ay la geleyso maamul-goboleedyada.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).