13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Midowga Afrika oo sheegay in Qalalaasaha ka taagan Soomaaliya ay dhameyn karaan Ciidamo Afrikaan ah oo kaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 02, 2007HOL):  Midowga Afrika ayaa sheegay in haddii aan Soomaaliya loo dirin Ciidamo badan oo Afrikaan ah in aaney dhamaan doonin fowdada ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof. Alpha Omer Konnare oo ka hadlayay shir ay madax ka socota dalalka Afrika ku lahaayeen Magaalada Accra ee dalka Ghana ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo wada hadallada ay yeelanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillada Qabaa’illada Soomaaliyeed.

 

Prof. Alpha Omer Konnare waxaa uu intaas ku daray in madaxda dalalka Afrika looga baahan yahay in ay dardargeliyaan wada hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo marka uu sidaas lahaana tixraacayay  labo jeer oo uu dib u dhac ku yimid shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee bishan 15-keeda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay Prof. Konnare in uu si weyn u jir-diidayo sida ay Dalalka Midowga Afrika uga cago-jiidayaan in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii aan Ciidamo dhaqsi loogu dirin Soomaaliya ay sii socon doonaan qalalaasaha ka jira Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Konnare oo qudbaddiisa ay u muuqatay mid uu ku dhaliilayay dalalka Midowga Afrika oo ciidamadii ay u ballanqaadeen Soomaaliya aan weli dirin ayaa wuxuu u sheegay madaxdii Afrika ee uu la hadlayay in ay noqdaan kuwo ka run sheega hadallada ay jeedinayaan iyo ballanqaadyada ay sameynayaan.

 

Shirkan ay Ghana ku leeyihiin madaxda Afrika ayaa waxaa ka qeybgelaya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, kaasi oo dhawaan kala soo hadlay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii dalka Soomaaliya loo geyn lahaa Ciidamo ka socda UN-ka, kuwaasi oo bedeli doona Ciidamada Midowga Afirka ee Soomaaliya la geynayo.

 

Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo magaca Midowga Afrika ku howlgelaya ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, inkastoo aaney wax howlgal ah sameynin sabab la xiriirta in aaney Soomaaliya soo gaarin Ciidamadii kale ee laga sugayay Dalalka Midowga Afrika.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).