13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka oo sheegtay in uu maanta ku egyahay isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, June 30, 2007(HOL): Waaxda Dowladda Socdaalka Dowladda Federaalka ayaa maanta shaaca ka qaaday in isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu maanta ku egyahay, iyadoo berri laga bilaabanaya uu dhaqangelayo Baasaboor cusub oo ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa saxaafadda u sheegay in aan Garoomada Dalka Soomaaliya looga dhoofi karin Baasaboorkii hore, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay mar hore ku wargeliyeen Safaaradaha Dalalka Caalamka in la bedelay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.

 

C/llaahi Gaafow waxaa uu intaas ku daray in muddo lix bilood ah ay iska dhinac shaqeynayeen Baasaboorkii hore iyo midka cusub, isagoo caddeeyay in ay go’aankaas qaateen iyagoo eegayay shuruucda u degsan socdaalka Adduunka, gaar ahaan marka Baasaboorro la isku bedelayo.

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in qofkii la arko isagoo doonaya in uu ku socdaallo Baasaboorkii hore loo qaadan doono qof ku xadgudbaya shuruucda dalka u degsan, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka u degsan.

 

Baasaboorkan cusub ee ay  sheegtay Waaxda Socdaalka in uu maalinta berri ah wixii ka bilowda uu ka dhaqangelayo Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid casri ah oo aan la been abuuri karin, halka midkii hore ee la bedelay uu ahaa mid ay cid kasta ka sameysan kartay Suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha.

 

Baasaboorkan cusub ayaa qofkii ka qaadanaya gudaha dalka Soomaaliya waxaa uu ku helayaa lacag dhan 100$, halka qofkii dalka Dibaddiisa ka qaadanayana uu ku heli karo 150$, taasi oo uu C/llaahi Gaafow ku sheegay mid aad u jaban marka loo eego qiimaha ay ku kacday sameynta Baasaboorka cusub.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baasaboorkan cusub ee ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu meesha ka saarayaa qiimo-dhicii ku yimid Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kaasi oo intey sameysteen ay ku socdaaleen xitaa Dad aan Soomaali u dhalan, kuwaasi oo qaarkood fal dembiyeedyo ku lug yeeshay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).