Sabti, June 30, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xiisadda ka taagan Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu ku eedeeyay Kooxo uu ku tilmaamay Dowlad-diid.
Madaxweyne Yuusuf waxaa uu sheegay in aaney Dowladda ogolaan doonin ay halkaasi ku sugnaadaan kooxo Dowlad-diid ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowladda Kooxahaas tallaabo ka qaadi doono.
Haddaba markii uu hadalkaas jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib ayaa waxaa arrintaas ka jawaabay Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo Siyaasiyiin gobolkaas ka soo jeeda.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Jubbada Hoose Axmed Cabdi Cumar (Axmed Sandheere) ayaa sheegay in aaney ka sugeynin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu yiraahdo Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka taliye kooxo Dowlad-diid ah, “Annaga ayaa Gobolka joogna oo ku magacaaban Dikreeto uu soo saaray Madaxweynaha, Dowladdana waan taageersannahay”ayuu yiri Axmed Sandheere.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu sheegay in ay Madaxweynaha ka sugayeen in uu soo farageliyo xiisadda ka soo cusboonaatay Gobolka, wuxuuna ku cel celiyay in aysan madaxweynaha ka fileynin in uu Qabiil Dowlad-diid ah ku tilmaamo, “Waa jiraan Dad wax tabanaya oo wax ka sheeganaya Dowladda Federaalka, balse ma ahan in uu Maamulka Gobolka uu Dowlad-diid yahay”ayuu mar kale yiri Axmed Cabdi Cumar (Axmed Sandheere), Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kalena, C/risaaq Faarax Cali (Taano) oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Jubbada Hoose ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida uu u yiri in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uusan ka war heynin dadka ku dhaqan Gobollada uu dadkooda Madaxweynaha u yahay.
“Maamul ay soo magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeeya gobolka Jubbada Hoose, mana jirto in dadka gobolka ay ka soo horjeedaan Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri C/risaaq Taano.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xiisadda ka soo cusboonaatay Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay timid kadib markii ay Qaab Qabiil isugu dhaceen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal dhexmaray ay ku dhinteen dad ka badan labaatameeyo Ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






