13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Qoysas Deganaa Xaafado Muqdisho ku yaala oo guryahoodii isaga cararay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 30, 2007(HOL): Qoysas fara badan oo deganaa Xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay guryahooda isaga cararaan kadib markii ay dul degeen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira.

 

Qoysaskani oo u barakacay Muqdisho banaankeeda, gaar ahaana Deegaanada Lafoole, Ceelaha Biyaha, Xaawo Cabdi iyo Carbiska ayaa waxay sheegeen in sababta ay guryahooda uga barakaceen ay tahay iyagoo ka baqaya in ay dhibaato uga timaado dhinaca Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo mar kasta oo la weeraro iska fura rasaas yar yar iyo mid waa weyn intaba.

 

Xaafadaha ay dadkani ka bara-kaceen ayaa waxay ku yaalaan nawaaxiga Warshaddii Bastaada, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, Hareeraha Wadada Warshadaha iyo Cali Kamiin, waxayna dhamaan xaafadaha halkaas ku yaala ay noqdeen fariisimo Ciidan.

 

Dad ku dhaqnaa nawaaxiga Garoonkii Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa mar sii horeysay waxay digniin uga timid Ciidamo Itoobiyaan ah oo Garoonkaas ku sugan, kuwaasi oo u sheegay dadka deegaankaas in haddii mar kale dhexdooda  laga soo weeraro ay naftooda u maqan tahay, waxayna caga jugleyntaas keentay in ay dadkaasi guryahooda ka cararaan.

 

Sidoo kalena, Dad kale oo ku dhaqnaa Hareeraha Wadada Warshaha ayaa iyaguna guryahoodii isaga cararay kadib markii ay soo dul-degeen Ciidamo Soomaali ah, kuwaasi oo iyana ugu goodiyay in haddii laga soo dhex weeraro ay mas’uuliyadda weerarkaas qaadi doonaan.

 

Qoysaskani ayaa waxay dhexda u galeen kooxo hubeysan oo dhexdooda ka weerara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, iyadoo kadibna ay dhibaato ka soo gaarto madaafiicda ay ku jawaabaan Ciidamadaas.

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhinaca Qaxootiga ee UNHCR ayaa intii ay socdeen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee 2007 waxay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in ay dagaalladaas ku barakaceen dad ka badan 400,000 oo Qoys, kuwaasi oo la soo deristay xaalad nolol xumo ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee Dadkani ka barakacay Guryahoodii ayaa haatan waxay xaalad nolol xumo ah ku heystaan Deegaanada ay u bara-kaceen, iyadoo ay xusid mudan tahay in aaney Dadka Muqdisho oo dhan la qabin barakacaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).