Sabti, June 30, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa saakay waxay toogasho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Deegaanka Xamar, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muuse Caddow (Ceel Baraf).
Sarkaalkan ayaa la dilay xili uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaala Degmada Yaaqshiid, isagoo ku sii jeeday Xarunta Taliska uu ka tirsanaa. Kooxihii Dilka u geystay Marxuumka oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa baxsaday iyadoo aaney suurtagelin in la qabto, sida ay ku warameenn dad goob-joog ahaa markii falka dilka ah dhacayay.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Xaaji Cali Fiidow ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan kooxihii dilkaas ka dambeeyay, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan, sharcigana hor-keeni doonaan.
Dilka Sarkaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii Magaalada Muqdisho ay socdaan Howlgallo amni sugid ah oo ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, halka habeenkiina Magaalada uu saaran yahay Bandow todobaad jirsaday.
Sidoo kalena, ma ahan sarkaalkii ugu horeeyay ee ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilo, iyadoo dilkiisana uu ku soo beegmayo xili Magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-Wadaag iyo Shibis.
Magaalada Muqdisho ayaa mudadii lixda bilood ahayd ee aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay falal dilal iyo qaraxyo ah oo lala beegsanayay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aaney ilaa iyo haatan muuqan tallaabo ay Dowladda ku maareyneyso falalkaas ka dhanka ah.
Dhanka kalena, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee la rabo in ay sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa inta ay howlgalladooda ku guda jiraan waxaa weerarro fool-ka-fool ah iyo kuwo gaadmo ahba ku qaada kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, iyadoo ay weeraradaasi muujinayaan in ay aaney Dowladda Federaalka heynin Ciidamo tiro badan oo ay dhigto Isgoys kasta oo Muqdisho ku yaala, si ay uga hortagto kooxaha Qaraxyada iyo dilalka ka dambeeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






