Khamiis, June 28, 2007(HOL): Kulan si wada jir ah ay wada qaateen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee fariisimaha ku leh duleedka Magaalada B/weyn iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka oo ay wehliyaan Duubabka Dhaqanka ayaa waxaa looga wada hadlay Arimaha Nabad-galyada iyo waliba saameynta ay yeelan karaa Qaraxyada is daba jooga ah ee ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo lahaa dalabka wadda hadalka labada dhinac ayaa sheegay in Wixii hadda ka danbeeya aysan u dulqaadan doonin weeraro lagaga soo qaado gudaha shacabka ku dhaqan Gobalka, iyaga oo intaa ku daray in hadii mar kale ay la kulmaan weeraro uga yimaada dhinaca shacabka ay bixin doonaan Jawaabo ka adag kuwii hore.
Sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in marar badan ay soo ban-dhigeen codsi la xiriira in la soo gacan galiyo wax ay ku tilmaameen kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida ee ku sugan Gudaha Gobalka lakiin laga dhago adeygay, “”” Anagu halkan waxeynu u joognaa in aynu ka shaqeyno Nabad-galyada Guud islamarkaana Nafteena ka difaacno kuwa cadawga ah ayuu yiri Col. Adise oo ah sarkaalka ugu sareeya Ciidamada jooga Duleedaka Magaalada B/weyn.
Warka ku saabsan in Jawaab adag Ciidamadu ka bixin doonaan warar kale oo dhaca ayaa wal wal iyo shaki weyn waxaa uu ku abuuray marka laga soo tago Bulshada, dhinacyadii ka qeyb-galay wada hadalka oo sheegay in mar kasta la filan karo dhibaato ka timaada dhinaca kooxa ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya, taasoo aysan suurta gal aheyn in loo ciqaabo shacab aan waxba galabsan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Gobalka Hiiraan Nabadoon Dacar Xirsi Xooshoow oo ka mid ah ka qeyb-galyaashii kulanka ayaa sheegay in dhinacooda u sheegeen Saraakiisha Itoobiya sida ay diyaarka ugu yihiin in laga wada hortago kooxaha ka soo horjeeda Nabad-galyada, Balse loo baahan yahay in meesha laga saaro han-jabaada ku saabsan in talaabo adag laga qaadayo shacabka, waxaana uu intaa ku daray in wax yaabihii ay ka wada hadleen dhinaca Itoobiyaanka itooda badan laysku afgartay.
Kulanka dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka oo ay ku jiraan Duubabka dhaqanka ayaa ahaa mid siweyn isha loogu wada hayay, gaar ahaan marka la eego qodobada laga wada hadlay oo ahaa kuwo xasaasi ah waxaana muuqneysa in Ciidamada Itoobiyaanku diyaar u yihiin qaadista talaabooyin adag oo laga hor tagayo kooxaha Qaraxyada ku weerara.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






