12.9 C
London
Sunday, November 9, 2025

Muqdisho Xalay iyo Saakay sidee buu yahay Xaalkeeda?

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, June 28, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa iyo saakay waxaa ka dhacay Qaraxyo lala beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Habeenkii xalay ahaa ayaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa ka dhacay qaraxyo lala beegsaday goobo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay qaraxyadaas geysteen.

 

Magaalada Muqdisho oo xalay ay u ahayd habeenkii 6aad oo ay Bandow ku jirtay ayaa waxaa habeen kasta ka dhaca qaraxyo iyo is-rasaaseyn u muuqda kuwo lagu diidan yahay Bandowga Magaalada lagu soo rogay, waayo waxay qaraxyada bilowdaan marka laga gaaro xiliga Bandowga.

 

Sidoo kalena saakay subaxdii ayaa Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo marayay agagaarka Hotelka Kaah ee Degmada Yaaqshiid waxaa lala beegsaday Qarax xooggan, kaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo rayid ah oo wadada marayay iyo dhaawac soo gaaray Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaas marayay.

 

Magaalada Muqdisho waxaa noqotay mid ay ku soo badanayaan Qaraxyada iyo Dilalka, tiiyoo ay magaaladana howlgallo ka wadaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka hadlay falalka amni darrada ah ee Muqdisho ku soo badanaya ayaa sheegay in Dad loo soo qabqabtay Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay in dhawaan sharciga la horkeeni doono, isagoo sidoo kalena carrabka ku dhuftay in Qaraxyada dhacaya ay yihiin kuwo aan macno lahayn.

 

“Kooxaha Wax qarxinaya waa kuwo aan awood lahayn, waxaadna ogaaneysaan in aysan qiimo lahayn Bambo guri laga dhex tuuray oo aan la ogeyn halka ay ku dhaceyso”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo intaas ku sii daray in howlgallo ay Muqdisho ka wadaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ay sii yareynayaan falalka ammaan darrada ah ee Muqdisho ka jira.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shalay ayay ahayd markii weerar Bambo lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamada  Booliska Dowladda Federaalka kuwaasi oo marayay agagaarka Masjidka Xareed ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo weerarkaas Bambo uu sababay dhimashada Shan Ruux iyo Dhaawac intaas ka badan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).