Khamiis, June 28, 2007(HOL): Seddex Ruux ayaa dhaawacantay kadib markii Hotel ku yaala Magaalada Baydhabo Bambo Gacmeed lagu tuuray Habeenkii xalay ahaa, iyadoo Hotelkaasna uu yahay mid ay degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Bamka lagu qarxiyay Hotelkaas ayaa la sheegay in uu ahaa mid laga soo tuuray Hotelka gadaashiisa, iyadoo kadibna uu ku dhacay qeybta soo dhaweynta, halkaasi oo ay seddexda ruux ee dhaawacantay ay TV ku daawanayeen.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo C/qaadir Shiikh Cali ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid aan dhibaato weyn geysan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ay ku raad-joogaan dadkii falkaas ka dambeeyay.
Sidoo kalena, Dhowr qofood ayaa loo qab-qabtay in ay Qaraxaas ku lug lahaayeen, kuwaasi oo haatan lagu hayo Saldhigga Degmada Baydhabo, waa sida uu xaqiijiyay Taliyaha Saldhiggaas ninka lagu magacaabo Aadan Biid.
Magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe ammaankeeda wuxuu ahaa mid hagaagsaneyn, waxaana labo jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo lala beegsaday Bangiga Magaalada Baydhabo iyo Goob Aflaanta lagu daawado.
Qaraxan xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaaladaas uu saaran yahay Bandow habeenkii ah, kaasi oo la soo rogay kadib markii ay dhaceen qaraxyadii hore.
18-kii September 2006 ayay ahayd markii Qarax xooggan loogu geystay Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo Qaraxaasina ay ku naf waayeen 11 ruux oo uu ku jiray Madaxweynaha walaalkiis.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






