Khamiis, June 28, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay xaflad lagu weyneynayay sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay markii ay Jabuuti xornimadeeda ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan sameynin wax farxad gelinaya Cadawgooda, isla markaana ay iska iloobaan wixii horay u dhexmaray ee xumaan ahaa.
Madaxweyne Geelle waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in waxyaabaha ay isku hayaan dadka Soomaaliyeed ay yihiin wax aan gaarsiisneyn wax lagu farxadgeliyo cadawga Soomaaliyeed, wuxuuna Ummadda Soomaaliyeed ka codsaday in ay isu yimaadaan oo ay aayahooda ka tashadaan.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in uu aad u jir-diidayo in dalka Soomaaliya uu noqdo mid dhibaato ku sii jira, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu horay ugu howlanaa sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd, haatanna uusan waxba ka hagran doonin Shacabka Soomaaliyeed.
Khubadda uu jeediyay Madaxweynaha Jabuuti waxaa kale oo uu ku soo hadal qaaday Dalalka Ciraaq iyo Falastiin oo ay ka dhacayaan dhibaatooyin soo gaaraya dadka rayidka ah, wuxuuna u rajeeyay shacabka dalalkaas in uu Alle ka dulqaado dhibaatada heysata.
Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle waxaa lagu xusuustaa oo aaney Umadda Soomaaliyeed iloobi karin shirkii uu Umadda Soomaaliyeed ugu qabtay Dalkiisa, kaasi oo ay ka soo baxday Dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan, iyadoo shirkaasina uu ahaa midkii ugu mudnaa ee Soomaalida loo qabto tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.
Dhanka kalena, Dadka Reer Jabuuti ayaa shalay iyo habeen hore waxay u dabaal-degayeen sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimadooda ka qaateen gumeystihii Faransiiska, iyadoo magaalooyinka waa weyn ee dalka Jabuutina ay ka dhaceen xaflado lagu xusayay munaasabaddaas.
Jabuuti waxay xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska Sanadkii 1977-kii, iyadoo xiligaas dadka Jabuuti ay goosteen in ay noqdaan Jamhuuriyad madax-bannaan.
Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxay ku guda jiraan todobaadkii u dabaal-degidda xornimo qaadashadooda, iyadoo 26-ka June ay tahay markii ugu horeysay oo ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimadooda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska, 27-ka June ayaa iyaduna waxay tahay markii ay xornimada qaateen Dadka Jabuuti, halka 1-da Luulyo-na ay tahay markii ay iyana Xornimadooda ka qaateen Gobollada Koofureed ee Soomaaliya Gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay isku darmeen Gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






