Khamiis, June 28, 2007(HOL): Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qarax shalay lala beegsaday oo uu dhaawac fudud ka soo gaaray waxaa uu ku eedeeyay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka oo sheegay in uu qaraxaasi ku dhintay Darawalkiisii, isna uu dhaawac fudud oo isha midig ah uu ka soo gaaray ayaa wuxuu sheegay in uu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Xildhibaan Barre Hiiraale waxaa uu sheegay in madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay ugu eedeeyeen in uu gudan waayay xilkii loo magacaabay ee Wasaaradda Gaashaandhigga, sidoo kalena uu lug ku leeyahay dhibaatada ka taagan Gobolka Jubbada Hoose, isagoo carrabka ku dhuftay in aysan eedeymahaas waxba ka jirin.
Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa sheegay in markii uu Qaraxa haleelayay uu ka soo laabtay shir ay Odayaasha iyo Waxgaradka degan Degmada Baardheere ka lahaayeen sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada Degmada Baardheere, sidoo kalena loo hagaajin lahaa maamulka Degmadaas.
Xildhibaanka mar wax laga weydiiyay in Qaraxaas ay ka dambeyn karaan dad ka soo jeeda Degmada Baardheere ayaa wuxuu sheegay in haddiiba ay dadkaasi jiraan ay yihiin kuwo u shaqeeya Madaxda Dowladda Federaalka.
Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa wuxuu beeniyay in uu isu rogay mucaarad ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in uusan Mucaarad ahayn, balse uu yahay Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegaya waxyaabaha ay ku qaldan tahay Dowladda Federaalka.
Dhanka kalena, Warkan eedeynta ah ee uu sii daayay Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa waxaa beeniyay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon, kaasi oo sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka uu madaxda sare ee Dowladda Federaalka ku eedeeyo in ay ka dambeeyeen Qarax loo geystay, “Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya raali kama ahan in dhibaato loo geysto Xildhibaanada Dowladda iyo xitaa Shacabka “ayuu yiri Cabdi Xaaji Goob-doon.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaan Barre Aadan Shire oo ahaa Guddoomiyihii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka ka hor Maxkamadihii Islaamka ayaa waxaa dhawaan laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka, isagoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, walow uu Col. Barre sheegay in uu go’aansaday in uusan xilkaas ku shaqeynin kadib markii uu u bogi waayay qaab dhaqanka Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






